Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Xubnaha horkacaya Wafdiga Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya ee ku sugan Dalka Jabuuti ayaa waxa ay wali ku adkeysanayaan in aysan wax kulan ah aysan la gali doonin dhigoda kale ee ka socoda Dowladda Faderaalka KMG ah.

    Xalay ayeey aheyd markii la iclaamiyay in Shirkii ay isu fadhiisan lahaayeen Isbaheysiga iyo Dowladda ee lagu qaban qaabinayay in uu ka dhaco Dalka Jabuuti ayaa dib u dhacay, ka dib markii ay Mowqifkooda ku adkeysteen Xubnaha ka socda Isbaheysiga Dib U Xoreynta.

    Wararka naga soo gaaraya Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in Ergayga Q.M u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould Adallah uu wado kulamo gooni gooni ah uu la qaadanayo Xubnaha ka kala Socda labada Dhinac, si ay isu hor fariistaan.

    Madaxda Dowladda Dalka Jabuuti iyo Ergaga Q.M ayaa waxa ay ka shaqeynaayaan sidii labada Dhinac ee isku heysata Siyaasadda Soomaaliya lesugu hor fariisin lahaa, waxaana dadka Soomaaliyeed ee meel kasta jooga ay u dhaga taagayaan waxa ka soo baxaya Shirka la doonayo in leys hor farisiisyo Kooxaha Mucaaradka Asmara iyo Dowladda KMG ah.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)

    More News