SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Madaxwaynaha dowlada kmg Somaliya C/laahi Yuusuf axmed ayaa saaka soo gaaray caasimada Muqdisho kadib safaro ey isaga iyo wufuud uu horkacayay socdaalo kusoo kala bixiyeen qeybaha kala duwan ee aduunka eyna ugu muhiimsaneyd galaha amaanka oo fadhigiisu yahay magaalada New-York.
Abaarihii sideeda subaxnimo ayey ahedy markii ey soo cagadhigatay diyaaradii siday wafdiga madaxweynaha oo la sheegay in ey kasoo kicitintay magaalada Nairobi.
Wadooyinka isku xira garoonka iyo madaxtooyada ayaa saakay lagu arkayay ciidamo isku fidiyay kuwaasoo isugu jiray Ethiopia iyo kuwa Dowladda Fadaralka, walow ey markii dambe furmeen wadooyinkaas.
Dad goobjoog ah garoonka ayaa waxay shabakadda *Calanka* u xaqijiyeen in uu madaxwaynaha iyo wafdi la socda ey soo gaaray Muqdisho .
Imaatinka madaxwaynaha ayaa waxaa ay kusoo beegmaysaa xili ey socdaan dib uheshiisiin iyo dagaalo isbarbar socda kuwaasoo udhexeeya dowlada iyo kooxaha kasoo horjeeda.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this