SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Baaq ku wajahan dhamman Ummdadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddisa
Qoraalkaan waxaan ugu mahad celinayaa dhamman dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ee sida wadaniyadda leh mar walba ooga fakeraya waddankooda. Waxaan in badan oo dadkan ka mid ah kula kulmay dalka Djibouti, Dubai, Kenya, Norway, Swiden, iyo dalka Maraykanka. Haddana, waxaan wakhti dhow rajaynayaa in aan kuwo kale kula kulmo dalka Ingiriisaka, Kanada iyo meelo kale.
Aad iyo aad baan ugga helnay waraaqaha, tala bixinta, iyo faalooyinka guud ahaan aad noo soo dirtan,. madaama Qaramadda Middoobay ay ka shaqayno qaabkii loo heli lahaa nabadda iyo kala dambaynta Soomaaliya. Waxaa aad noo dhiira geliyay taageeridda in badan oo idinka mid ah ay uhayaan dadaalka nadabba ku aadan ee ka jira waddankiina.
In taas waxaa dheer, in aan idiinku hambalyeeyo in dhammantiin aad ka gudubteen arrinta qabiilka ku saabsan, kana fekeraysaan maslaxadda Ummdadda Soomaaliyeed oo dhan. iyo in aad garwaaqsantihiin in wixii dhacay iyo waxa dhici doonaba mustaqbalka ee waddankiina quseeyo masul aad ka tihiin oo aydan ku eedaynaynin qolo kale. Dhaqaalaha sida jogtada ah aad wadanka dib ugu soo celisan aad ayuu u haboonyahy madama uu qayb weyn ka yahy dhaqalaha dalka.
Waxaan idinka codsanayaa inaad jobtaysaan tageeridiina ku aadan nabadaynta socota iyo daadalka aan ugu jirno in nabad iyo kaladambaynba lagu soo dabaalo Somaliya si Somalia ay bulshada caalamka ay mar labaad ugu mid noqoto.
Sidaas darteed waxaan rabaa in aan idinla socodsiiyo in aan ku guda jirno in 10ka bisha May 2008 in aan shir ugu qabano waddanka Jabuti xubno farsamo oo kooban oo ka kala socdo Dowladda Federalka ku Meelgaarka ah iyo Isbahaysiga dib u Xuraynta Dalka Soomaaliya. Waxan idiinla socodsiin doonaa waxyabaha ka soo baxa shirkaani, waxan hubba in taageridiina ku aadan in shirkau miro dhalo ay kalmo u tahay kaqaybgalayaasha.
Mar labaad waxaan idinku mahadcelinayaa tagerida aad u haysaan wadankiina iyo gedi socodka nabaddaba. Waxaan rumaysanahay in anagoo garabsanayna wadaniyinta Somaliyeed in aynu qayb-weyn ka ciyari karno sidii loo arki lahaa Soomaaliya oo nabad, barwaqo iyo kala dambayni ka jirto.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Sababay dhaawac dad rayid ah..
- Isbaheeysiga Dib u xoreeynta oo ku Hanjabay Ineey isaga baxayaan Wada hadalada Lagu balan san yahay Dalka Jabuuti
- Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga oo Falkii Mareeykanka uu ku Dilay Macalin Aadan Ceeroow ku tilmaamay Fal Fulaynimo ah (Dhageeyso)
- Dagaal yahada Ururka Al shabaab oo maanta lawareegay Degmada Ufurow ee Gobalka Bay.
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Magacyada Ergooyinka Shir Dib U Heshiisiinta Ee Jabuuti.
- Isbaheysiga Asmara oo ku adkeysanaya in aysan wax wada hadal ah la gali doonin TFG-da.
- Madaxweyne Yuusuf oo ka soo dagay goordhaweyd Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde Airopot.
- Xoogaga Al-Shabaab oo la wareegay 2 gaadiid oo Wasiiro ay lahaayeen kadib weerar 5 askari lagu dilay oo ka dhacay Sh/Hoose.
- Shirka Djabouti oo maanta lagu balansanyahay iyo magacyada dadkii ka qaayb gali lahaa....
- Dagaal culus oo ka soconaya wadada Wadnaha iyo Qoryaha nuucyadeeda kala duwan oo la maqlayo. (Dhageeyso)
- Mooshin lagu doonayo in lagu rido xukuumada Nuur cade oo Baydhabo ka Socda.