Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Waxaa isasa soo taraaya khilaafka u dhaxeeya Col.C/laahi Yuusuf madaxa Kooxda Imbagati iyo Col.Nuur Xasan Xuseen Wasiirkiisa 1aad ee Kooxda Imbagati, khilaafkaan ayaa salka ku haya qaabka iyo hanaanka loo maareynaayo shirka dhowaan la filaayo iney dhex maro Hogaanka sare ee Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya iyo Xubnaha Kooxda Imbagati kaasoo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Jabuuti.

    Xogtaan ayaa tibaaxeysa in Col.C/laahi Yuusuf oo kaashanaaya Hogaamiye Kooxeedka Max'ed Dheere uu dhowaan shiriyay Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Beesha Mudulood isagoo uga dacwooday in Col.Nuur Cadde uu isku koobay Barnaajimka dib u heshiisiinta isla markaasna uu diiday inuu gacan ka geysto sidii dib ay hanan lahaayeen gacan ku heynta Gobolka Sh/dhexe, wuxuuna uga baaqay ergadaan iney si toos ah ula hadlaan Col.Nuur Cadde, akla xaajoodaan sidii degaanada Mudulood marka hore loo xasilin lahaa isla markasana looga saari lahaa Xoogaga doolka ku yimid, Wararka ayaa intaasi raacinaaya in kadib markii uu shalay ka degay magaalada Muqdisho, Wafdigii uu hugaaminayo Col.Nuur Cadde oo safar kusoo mareen dhowr dal oo ka tirsan Afrika & Khaliijka.Col.Nuur Cadde oo la filaayo inuu dib ugu noqdo dalka Jabuuti  kulamana kula qaato kooxaha Hogaanka Isbaheysiga iyo guurtida Hawiye, ayaa ka gaabsaday inuu ka fallo bixiyo dib ugu noqoshada Muqdisho iyo u yeeritaankaba, Warar hoose ayaa sheegaya in Col.C/laahi yuusuf uu caqabad kuyahay wadahadal dhaxmaro Hogaanka sare ee Isbahaysiga & Kooxda Imbagati oo maalmihii la soo dhaafay ay dadaalo dib uheshiisiineed wadeen beesha caalamka gaar ahaan Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan arrimada Soomaaliya Axmedu Ould Abdllah iyo xukuumada Jabuuti oo dalkeeda kumarti gelisay dhamaan qeybaha isku haya Soomaaliya. 

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)