Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Qarax aad u xoogan ayaa waxaa galabta lagula eegtay wadada Makka-Al-Mukaramma ee magaalada Muqdisho gaari URAL ah oo ey saarnaayeen ciidamo Itobian ah kuwaasoo sida la sheegay isticmaalayay wadadaas.

    Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogankana dhashay miinooyinka rimuutka laga hago islamarkaana dhulka lagu aaso, waxaana sida goob joogayaal sheegeen uu dhaliyay qaraxaas qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jora kuwaasoo soo gaaray gaariga iyo ciidamadii saarnaayeen.

    Kadib qaraxa ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo isugu jira Itobian, Somali iyo kuwa Amisom kuwaasoo goobta xiray islamarkaana baaritaano ugu dhaqaaqay.

    Lama oga tirada khasaaraha rasmiga ah ee uu dhaliyay qaraxan, laakiin warar laga soo xiganayo dad ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in uu qasaaruhu aad u balaarnaa.

    Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax noocan ah lala eegto ciidamada kala duwan ee ku sugan Muqdisho am kuwa Itobian-ka ah.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)