SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Qiso cajaa`ib iyo amakaag ku abuurtay shacabka reer Ausralia ayaa baryahan danbe ka taagneyd dalkaasi kadib markii ey soo hor fariisteen taleefishinka dalkaasi ugu weyn Aabe iyo gabadhi uu dhalay oo caruur isu dhalay islamarkaana isqaba gurina ku wada nool.
Aabaha John Deaves (61-jir) ayaa sheegay in eysan is arkin inantiisa Jenny (39-jir) mudo 30-sano, wuxuuna intaa raaciyay in ey hooyadeed kala tageen iyadoo 1-sano jirta sidaas daraadeedna eysan dib isu arkin 30-sano kadib.
Jenny (gabadha) ayaa sheegtay in Aabeheed raadisay markii ey sodon jirsatay, waxeyna sheegtay markii ey aragtay in ey ka heshay oo ey u aragtay nin iyada geeya oo uu aabeheed u qalmin.
Aabaha iyo gabadhiisa ayaa iminka isu dhalay gabar yar oo 9-bilood jirta, waxaana horay uga dhicisoobay sida ey sheegeen cunug kale oo ey sugayeen sanadkii 2001.
Arintan ayaa waxaa aad u hadal haya dadka reer Australia, waxeyna ku tilmaameen arin laga yaq-yaqsooda oo aad u fool xun islamarkaana dhaawac weyn u geysan karta cuuga ey dhaleen oo wy ku tilmaameen mustaqbalkiisa mid ka-kac ah.
Mar wax laga weydiidaa barnaamijka tv-ga Ausratalia ka bada ee (60-minutes) sida ey u arkaan xiriikooda ayaa waxaa uu aabaha ku jawaabay in uu yahay mid fantastic ah uuna aad ugu faraxsan yahay in ey isqabaan.
Jenny ayaa iyana dhinaceeda ku tilmaantay xiriirka kala dhexeeya aabeheed mid ey ku faraxsantahay, waxeyna tiri "Markii ugu horeysay ee aan isha ku dhiftay waxaan is iri "ma xuma duqa", waana soconayaa waa sida nin aad night-Club ku kulanteen oo kale", ayey u sheegtay joornaalka National Nine News.
Xaaskii ey horay u kala tageen Aabaha inantiisa guursaday ayaa sheegtay in ey been ka sheegayaan xilligii ugu horeeyay ee ey is arkeen, waxeyna intaa raacisay in markii ugu horeysay ee uu inantiisa arko aabaha ey aheyd iyadoo 15-jir ah oo ey guriga ugu timid, wixii intaa ka dibna ey isla dhuu-dhuuman jireen hadba meel seexanayeen.
Qisada ugu cajaa`ibka badan ayaa waxa ey tahay in gabadha yar oo ey dhaleen aabaha iyo inantiisa uu sidoo kale aabaha awoowe u yahay gabadha yar.
Si kastaba ha ahaatee arinkan ayaa waxaa baaris u galay boliska, waxaana dhakhaatiirka qaar (Psykologist) sheegeen in in cunuga ey isu dhaleen uu mustaqbalka la kulmi doono rafaad iyo niyadjab iyo buufis ku dhaca, waxeyna taas sabab uga dhigeen dadka oo dacaayadeyn doona.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Xoogagga kasoo horjeeda dowladda oo xalay galay Baladweyne iyo qaar kamid ah Maamulkii Gobolkaasi oo iscasilay.
- Lamaanaha ugu dada yar oo laaysku guuriyay
- Magacyada Ergooyinka Shir Dib U Heshiisiinta Ee Jabuuti.
- Maleeshiyaada Imbagati Oo Boob Ka Waday Suuq Bacaad.
- wadaadadii qabsaday Jowhar oo sii daayay maxaabiistii Daawo Video
- Dad Somalied oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo bay ee ku yaal Gacan Biyoodka Cuba oo la sii deeyn lahaa Ayaa dib loo dhigay sii deeyntooda
- Gudoomiye Yuusuf Dabageed oo sarakiishii Itoobiyaanka ee ka baxay Balad Weyne ku baryaya in ay dib usoo laabtaan.
- Shirkada Rangers Oo Gadiid Kala Soo Degtay Boosaaso.
- Maamul la`aan iyo dhac ka taagan Gobalka Hiiraan....
- Shiikh Muukhtaar Roobow: Anaga Ma dilin Ajanabiga, mana jiraan waraaqo aan ognahay oo lagu daadiyey suuqa bakaaraha, digniina u jeediyey dadka sheegta magaca shabaab.
- Wardheere: Soomaalida London waxaan ugu baaqayaa in aanay u kala harin taageeridda Murashaxa Mudane Zakariye X. Maxamuud ee London Assembly (Endorsement)
- Dad fara badan oo xalay dhibaato ay kasoo gaartay Bam gacmeed lagu tuuray Shineemo Marka kutaalla