Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar naftii hur ahaa oo galabta lagu qaaday xarun ay ciidamada Burundi ay ku lahaayeen Jaamacadda Umadda ee magaalada Muqdisho.

    Ab Mansuur waxaa uu cadeeyay in weerarkaasi uu fuliyay mid kamid ah''geesiyaasha Mujaahidiinta Al-Shabaab''oo uu sheegay in uu kaxeynayay gaari Cabdi Bile ah oo walxa qarxa laga soo buuxiyay.

    Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu adkeeyay khasaare xoogan oo halkaasi kaso gaaray ciidamada Burundi isagoona gaashaanka u daruuray hadalo kasoo baxay AMISOM oo sheegayay in khasaaraha uu aad u kooban yahay.

    Ururka Al-Shabaab waxa uu ka dhigan yahay Milatari ahaan garabka ugu xoogana mucaaradka hubeysan ee dagaalada kula jira dawladda Federalka Somaliya iyo ciidamada shisheeyaha ee ku sugan ciida Somaliya.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)