SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Xoogaga hubeysan ee kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka iyo siyaasadda dawladda Federaalka ayaa galabta qorrax dhacii waxaa ay weerar culus ku qaadeen fariisimaha ay cidamada AMISOM ay ku leeyihiin Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Weerarkaasi oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa la sheegay in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoona aad loo maqlayay daryanka madaafiicda la is dhaafsanayay.
Xoogaga hubeysan ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in ay madaafiic si ba'an ula dhaceen xarumaha ciidamada AMISOM laakin si rasmi ah looma sheegi karayo khasaaraha halkaasi ka dhashay ilaa iyo iminka.
Waxa jirta dad rayid ah oo waxyeelo ba'an uu kasoo gaaray dagaalkii galabta kuwaasi oo qaarkood haatan loola cararay Cusbitaalada halka kuwa kalena wali laga soo qaadayo goobihii rasaastu ay ugu tagtay.
Halkan ka Dhageso
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Bahuko ayaa qiray in weerar lagu soo qaaday askartooda isagoona sheegay in wax khasaare ah uusan gaarin laakin waxaa uu ka gaabsaday faah faahin dheeraad ah oo uu bixiyo.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Dagaal Culus oo ku dhexmaray xoogaga hubeysan iyo Ciidamada Uganda oo maanta kasocdo (Dhageeyso)
- Dagaaliyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray degmada Bardaale halkaasina si weyn ay dadweynuhu ugu soo dhaweeyeen.
- Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Sababay dhaawac dad rayid ah..
- Isbaheeysiga Dib u xoreeynta oo ku Hanjabay Ineey isaga baxayaan Wada hadalada Lagu balan san yahay Dalka Jabuuti
- Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga oo Falkii Mareeykanka uu ku Dilay Macalin Aadan Ceeroow ku tilmaamay Fal Fulaynimo ah (Dhageeyso)
- Dagaal yahada Ururka Al shabaab oo maanta lawareegay Degmada Ufurow ee Gobalka Bay.
- Madaafiic loo qeybiyey xaafado ka tirsan magaalada mogdisho
- Ciidamada Itobia oo xabsiyo qarsoodi ah ka sameystay Hiiraan jir dilna u geesteen dad ay soo xiraan.
- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya
- Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo maanta ay qabteen xoogag ka amar qaata maxkamadaha Islaamka la sii daayay galabta wada hadal kadib.
- Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyaayaa moodaa inuu sii kala fogaanaayo kadib markii khilaaf xoogan soo kala dhaxgalay, Mise haboon tahay in xiligaan Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya labo garab uu kala noqdo?
- Madaxweeynaha dalka Yemen Ali A. Salah oo si fiican u soo dhweeyay Sheekh Shariif iyo wafdigiisa..