Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Waraysi uu siiyaaya Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed jariidada afka carabiga ku hadala ee al-qudus al-arabiya ayaa wuxuu ka hadlay duqeyntii ay Ciidamada Mareykanka ka geysteen degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay in ay aad uga xun yihiin duqeyntaas iyo weliba dadkii ku geeriyooday oo ay ku jireen Hoggaamiyayaal ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

    Gudoomiyaha mar wax laga weydiiyay waxa ay duqeyntaas u dhimi karto dib u heshiisiinta laga dhex wado Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ayaa waxaa uu sheegay in ay saameyn ku yeelan karto, inkastoo uu sheegay in aysan hadana meesha ka marneyn in xalka Soomaaliya loo wajaho qaab diblumaasiyadeed bacdamaa ay dadka Soomaaliyeed dhibaato ku soo jireen muddo dheer.

    Sikastaba ha haatee Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Shiikh Shariif in ay u midoobaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen waxa uu ugu yeeray cadawga ku soo duulay dalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in Xoogagga ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya iyo kuwa kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliyaba aysan isku khilaafsaneyn in dalka la xoreeyo.

    Si kastaba arrintu ha ahaatee hadalkan uu bixiyay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo habeen shexdaas ciidamada Mareykanka ay duqeeyeen guri ku yaal degmada Dhuusama-reeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo halkaasina ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 ruux oo ay ku jireen Aadan Xaashi Ceyrow iyo Shiikh Muxyaddiin Maxamuud Cumar oo ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)