SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Dhagees-Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansoor oo goor dhaweyd shir jaraa'id dhanka taleefanka ugu qabtay warbaahinta Muqdisho ayaa shaaciyay Ururkooda Al-Shabaab in aysan waxba ku shaqo laheyn shirka Jabuuti ee la isugu keenayo Isbaheysiga Xoreynta iyo xukuumadda Federaalka Somaliya.
Abu Mansuur waxaa uu tilmaamay in shirkaasi ay kasoo socoto sida uu yiri shar iyo khatar ka dhan ah Umadda Somaliyeed isagoona ku baaqay dhamaan bulshada Somaliyeed in ay ka feejignaadaan arrimahasi.
Afhayeenka Ururka ''Shabaabul Mujaahidiin''waxaa uu ku tilmaamay shirkaasi mid ay isugu soo uruureen dhinacyo uu ku kala sheegay kuwa culimo sheegta kana baqa in Argagixisinimo lagu calaamadeyo,Mareykanka oo shaar QM xiran,Xukuumadda Ridada(Dawladda Federaalka Somaliya) oo u shaqeysa Meles Zenawi iyo Bush,Calmaaniyiin(Barlamanka Xorta ah) ka cabsaday in ay boos ka waayaan maamulka dalka hadii Jihaadku guuleysto iyo gacmo qarsoon.
Abu Mansuur waxaa cadeeyay in ay kasi feejigan yihiin dhankooda waxa kasoo socda shirkaasi,ayna ugu yeerayaan bulshada Somaliyeed in ay ogaadaan halgankooda oo lasii wado guushooda in ay ku jirto balse aysan aheyn in la tanaasulo.
Shirka Jabuuti aya wareegiisa labaad bilaabanayaa dhawaan isagoona u dhexeeya wafdiga Isbaheysiga Xoreynta oo isaguba laba dhinac u kala jaban iyo midka Xukumadda Federaalka,waxaana soo agaasinta hey'adda QM xafiiskeeda Somaliya.
Xafiiska Wararka Soomaalinews.com.Muqdisho
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Dagaal Culus oo ku dhexmaray xoogaga hubeysan iyo Ciidamada Uganda oo maanta kasocdo (Dhageeyso)
- Dagaaliyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray degmada Bardaale halkaasina si weyn ay dadweynuhu ugu soo dhaweeyeen.
- Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Sababay dhaawac dad rayid ah..
- Isbaheeysiga Dib u xoreeynta oo ku Hanjabay Ineey isaga baxayaan Wada hadalada Lagu balan san yahay Dalka Jabuuti
- Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga oo Falkii Mareeykanka uu ku Dilay Macalin Aadan Ceeroow ku tilmaamay Fal Fulaynimo ah (Dhageeyso)
- Dagaal yahada Ururka Al shabaab oo maanta lawareegay Degmada Ufurow ee Gobalka Bay.
- C/llaahi Yuusuf oo markale codsaday Ciidamo kasocda QM
- Yuusuf Dabageed oo ciidamada Itobia ku amreen in uu isaga baxo B/weyn.(Dhageeyso)
- Abul_mansur oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan Shirka Jabuuti (Dhageeyso)
- Khasaarihii ka dhashay dagaalkii maqribnimadii caawa ka dhacay Mogdisho
- Madaafiic loo qeybiyey xaafado ka tirsan magaalada mogdisho
- Ciidamada Itobia oo xabsiyo qarsoodi ah ka sameystay Hiiraan jir dilna u geesteen dad ay soo xiraan.