Somali BBC
SomaliLinks
Allwadani.com
Aayatiin.net
allsomaliforum.com
Aayaha.com
AminArts.com
baraawepost.com
Bilaajo.com
BBC SOMALIA
Bulshoweyn.com
Calanka.com
Cakaarra.com
Codkawaamo.com
Dhagaweyne.com
Dayniile.com
Dadkeyga.com
Fadhi.com
Goobjoog.net
Addacwah.com
Hiiraan.com
ilaqosal.com
Jawiil.com
Jammaame.com
Jowhar.com
Mugadishocity.com
Midnimo.com
manabolyo.com
Magaalo.com
Onkod.net
Osmanart.net
Qaranimo.com
Qaranka.com
Somalisc.com
Soscaonline.com
Somaliradiolive.com
somaliswiss.com
Shabelle.net
Wadanka.com
Warmoog Live
Yaaqshid.com
Shabelle.net
djiboutination.com
ceelbuuronline.com
xoghaye.com
Did you enjoy this article?
(total 0 votes)
Dagaal dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ayaa maqribinimadii caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoona Ciidamada Ethiopia ay dagaalka u adeegsadeen Madaafiic ay ka rideen xarumahooda.
Ilaa shan ruux oo rayid ah oo ay ku jirto gabar yar ayaa ku dhimatay Dagaalka oo ahaa mid aad u xooganaa, isla markaana ka dhacayay Deegaanada K/Muqdisho.
Dagaalka waxaa uu si xoogan uga dhacay Deegaanka Zone K agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad ilaa iyo xaruntii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga halkaas oo fariisan u ah Ciidamada Ethiopia
Dagaalka oo ku bilawday adeegsada madaafiicda hoobiyaha loo yaqaano kuwaas oo kooxaha Dowladda ka soo horjeeda bartimaameed kaga dhigteen xarumaha Ciidamada Dowladda Ethiopia, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay labada dhinaca ay is toos ah isaga hor imaaden, iyadoo dagaalkan uu ahaa kii ugu weynaa ee Magaalada Muqdisho ka dhaca bishan May ee caawa ku dhamaanayso.
Lama oga khasaaraha soo wada gaaray Ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ee weerarka ku qaaday xarumaha Ciidamadaas, hase ahaate warar hordhac ah oo ka soo baxay khasaaraha dadweynaha soo gaaray ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 ruux ku naf waayeen dagaalka, sidoo kale waxaa jira dad dhaawacyo soo gaaray kuwaas oo guriyahooda ugu tagtay rasaasta labada dhinaca is dhaafsanayeen.
Markii uu dagaalka xoogiisa dhamaaday abaarihii salaada Maqrib markii la tukaday ayaa mar kale waxaa dib u bilowday duqeyn Ciidamada Ethiopia u geysanayeen Xaafadaha Magaalada Muqdisho sida Xaafadda Hodan iyo qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.
Lama soo sheegin dhibaatada ay geysteen Madaafiicdaas iyadoo ay tahay xilli habeen ah sidaas darteed waa ay adag tahay in la ogaado khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.
Qaar ka mid ah Madaafiicdaas ayaa laga ridayay xarunta Madaxtooyada Magaalada Muqdisho halkaas oo ay joogaan Ciidamada Ethiopia oo si gaar ah u ilaalinayaan ammaanka Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dagaalkan galabta lagu qaaday Ciidamada Ethiopia ee fariisanka u ah Wasaaradda Gaashandhigga, Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo agagaarka Jaamacadaha Muqdisho.

- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Dagaal Culus oo ku dhexmaray xoogaga hubeysan iyo Ciidamada Uganda oo maanta kasocdo (Dhageeyso)
- Dagaaliyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray degmada Bardaale halkaasina si weyn ay dadweynuhu ugu soo dhaweeyeen.
- Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Sababay dhaawac dad rayid ah..
- Isbaheeysiga Dib u xoreeynta oo ku Hanjabay Ineey isaga baxayaan Wada hadalada Lagu balan san yahay Dalka Jabuuti
- Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga oo Falkii Mareeykanka uu ku Dilay Macalin Aadan Ceeroow ku tilmaamay Fal Fulaynimo ah (Dhageeyso)
- Dagaal yahada Ururka Al shabaab oo maanta lawareegay Degmada Ufurow ee Gobalka Bay.
- C/llaahi Yuusuf oo markale codsaday Ciidamo kasocda QM
- Yuusuf Dabageed oo ciidamada Itobia ku amreen in uu isaga baxo B/weyn.(Dhageeyso)
- Abul_mansur oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan Shirka Jabuuti (Dhageeyso)
- Khasaarihii ka dhashay dagaalkii maqribnimadii caawa ka dhacay Mogdisho
- Madaafiic loo qeybiyey xaafado ka tirsan magaalada mogdisho
- Ciidamada Itobia oo xabsiyo qarsoodi ah ka sameystay Hiiraan jir dilna u geesteen dad ay soo xiraan.