SomaliLinks
Did you enjoy this article?
C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta la kulmay wafdi kasocday QM ee gaaray wadanka Jabuuti ayaa waxa uu ka codsaday sidii QM ay ciidamo ugu soo diri laheyd wadanka Soomaaliya kahor inta aysan ka bixin wadanka Soomaaliya Ciidamada Itoobiyaanka.
"Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya keliya waxaa lagu heli karaa oo shuruudeenna ah in ugu horeyn la keeno dalka Ciidamo kasocda QM oo iyagu badala isla markaana la joojiyo weerarada" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo intaasi ku daray oo si cad uu u sheegay in ladoonayo in Amniga Soomaaliya aanu la baneynin oo aanu laga faa'ideysan.
C/llaahi Yuusuf ayaa hadalkani ka sheegay kulanka uu layeeshay maanta wafdiga QM kasocda, waxaana ajendihiisa ugu weyn uu ahaa sida wararka lagu helayo in Itoobiyaanka aanan dalka laga saarin inta laga keenayo Ciidamo kasocda QM si ammaanka dalka uusan faraha uga bixin sida uu isaga hadalka u dhigay C/llaahi Yuusuf.
Wada hadallada uga soconaya wadanka Jabuuti dowladda TFG-da iyo mucaaradka oo ah wejigiisa labaad ayaa kiisii hore waxa uu dhamaaday 16-ka bishii may ee lasoo dhaafay iyadoo iminkana weli labada dhinac ee ladoonayo in ay wada hadlaana ay kudhegan yihiin mawqifyadooda, waxaana Isbaheysiga Asmara ay weli kudhegan yihiin in ugu horeyn wada hadal iyo dib u heshiisiin kahor laga wada hadlo sidii dalka looga saari lahaa Ciidamada Itoobiyaanka kadibna la wada hadlo.
Lama garanayo sida uu kusoo gaba gaboobi doono wada hadalka jabuuti, waxaana shirka jabuuti uu yahay keliya wada hadal halka dadka ay isku qaldayaan in uu yahay dib u heshiisiin, waxaana dib u heshiisiinta la xaqiijiyay in ay dhaceyso marka lagu guuleysto wada hadalka.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Dagaal Culus oo ku dhexmaray xoogaga hubeysan iyo Ciidamada Uganda oo maanta kasocdo (Dhageeyso)
- Dagaaliyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray degmada Bardaale halkaasina si weyn ay dadweynuhu ugu soo dhaweeyeen.
- Qarax goor dhaw ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kaasoo Sababay dhaawac dad rayid ah..
- Isbaheeysiga Dib u xoreeynta oo ku Hanjabay Ineey isaga baxayaan Wada hadalada Lagu balan san yahay Dalka Jabuuti
- Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga oo Falkii Mareeykanka uu ku Dilay Macalin Aadan Ceeroow ku tilmaamay Fal Fulaynimo ah (Dhageeyso)
- Dagaal yahada Ururka Al shabaab oo maanta lawareegay Degmada Ufurow ee Gobalka Bay.
- Sen. Barack Obama oo noqday ninkii ugu horeyey oo madoow ah oo u soo baxay Doorashada Madaxweynaha dalka Mareykanka
- Ciidamo ka tirsanaa Dowlada fadaraalka oo maanta u Galay Xoogaga Maxkamadaha.
- Golaha Amaanka oo ansixiyay qaraar ku saabsan badda Somaliya
- C/llaahi Yuusuf oo markale codsaday Ciidamo kasocda QM
- Yuusuf Dabageed oo ciidamada Itobia ku amreen in uu isaga baxo B/weyn.(Dhageeyso)
- Abul_mansur oo cadeeyay mowqifkooda ku aadan Shirka Jabuuti (Dhageeyso)