Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Waan ka xishoonayaa inaan maalin Qura gurigeyga joogo, Habeenna aan ku hoydo anigoon la Dagaallamin Xabashida Qarmuun ee Caasimaddeenna Muqdisho inteey noogu timid Dadkeenna sideey doonto ka yeeleysa, Masaajiddii aanu ku Tukaneynay ku Xaareysa, Hablaheennii Soomaaliyeed ee ina dhalay, nala dhashay, oo inoo Dhaxayna fara xumeyneysa, Isuma quuro inaan anigoo Gacmaha kor u taagaya uu Askari Tigree ah igu baaro Dariiqyada Magaalada Muqdisho, Mana qaadan karo inaan Caasimaddeyda Muqdisho oo uu Askari Xabasheed ka taliyo isaga Qoxo sida Dhallinyaradii aan Saaxiibka ahayn qaarkood.

    Xornimo aan Dhiig lagu bixin oo iska timid Taariikhda laguma hayo, Dhiiggana waxa bixiyaa oo u huraa Diinka iyo Dalka waa Dhallinyarada Asaageeyga ah, Odayaasha Waayeelka ah iyo Haweenka ka qaxaya Muqdisho Haddii Dhallinyaradii Waddanka difaaci lahaydna ay horay ula qaxaan soow Masiibo noqon meyso?, Sow Doqonnimo maaha?, Sowse Diinxumo maaha?.

    Waddamada Shisheeye ee Dhallinyaradeennu u Qaxeyso Wallaahaan ku dhaartaye Waddankeennaa ka Barwaaqo badan ee Tigreegan Wuxuushta ah yaan loo Beylihinine aan ka Difaacanno, Dhulkeenna Qeyraadka ka buuxa ineey la wareegaan ayey u dhimanayaan iyaguye, Inaan ku Mintidno oon ka Difaacanno miyaan garan la'nahay?.
    Kuwa la socda Xabashida ee ku Caawinaya ineey Waddankeena la wareegaan waa iska Wuxuush aan waxba garaneynin ee ha loo Nasteexeeyo kii yeelaya, Kii diidana si aan Naxariis lahayn ha loola dhaqmo maxaa yeelay Xabashiga isagaa ka xun saa Xabashiga Qaddiyaddiisuu wataaye.

    Waad aragtaan iyadoo Adduunkoo idil uu la socdo ayey Taako Dhulkeenna ka mid ah Xoog ku haysan la'yihiin Tigreegu, Magaalo walba iyo Tuulo walba oo ay joogaan ayey ku Baqtiyaan maalin walba, Mahaddaasna Ilaah ka sokow waxaa iskaleh Mujaahiddiinta Soomaaliyeed ee isku dhaarsaday ineeysan Nasan illaa ay Waddanka ka Xoreeyaan Gumeysiga Madoow.

    Waa horeey carari lahaayeen Tigreegu Haddii Shacabkoo idil dagaallami lahaa oo Sannad naguma qaadateen inaan Caasimaddeenna kula dhex dirirno Tigreega oo uu Shacabkeenna Madaafiic ku Xasuuqo Dhibaatada Shacabkeenna soo gaartayna waxan qabaa ineey intaa ka yaraan lahayd.

    Ugu Dambeyntii Waxaan Baaq u dirayaa Dhammaan Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Waxgaradka ah meel walboo ay joogaanba in ay Dagaalka Cadawga lagula jiro soo galaan Waddankoodana ineey Xoreystaan ku talo galaan, Cid kale oo aan ka sugeyno ineey Waddanka inoo Xoreysaa ma jirto" Ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay 15-jir ka tirsan Xoogagga Xaq'u dirirka ah ee Muqdisho kula dagaalamaya gumeysiga Itoobiya.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)