Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta casir-liiqii waxaa uu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

    Dagaalka ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowaldda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, iyadoo kadibna uu dagaalka ku faafay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmadaas sida Isgoyska KM4 oo uu ku yaalo Fariisin ay ku sugan yihiin Ciidamada Amisom.

    Inta la xaqiijiyay ilaa iyo haatan dagaalkan oo madaafiic culus la isugu adeegsaday ayaa waxaa uu sababay dhimashada dad 10 ruux gaaraya iyo dhaawac intaas ka badan, iyadoo dadka dhintayna ay isugu jiraan dad rayid ah oo ay madaafiic kula habsadeen meel ay rasaasta kaga gambanayeen iyo weliba guryahooda.

    Wararka aanu ka heleyno goobaha uu dagaalka ka dhacay ayaa waxay sheegayaan in dadka dhintay ay ku kala geeriyoodeen dhabarka dambe ee Dugsiga Sare ee Banaadir iyo nawaaxiga Hotelka Hotelka Ambassador, iyadoo dadkaasina ay ku habsadeen madaafiicdii ay isku ridayeen dhinacyadii dagaalamayay.

    Ilaa iyo haatan dagaalkan kama aysan hadlin dhinacyada saraakiisha Ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya iyo Kooxihii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday, balse Sarkaal u hadlay Ciidamada Amisom ayaa wuxuu sheegay in ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen fariisinkooda ku yaala KM4, isagoo carrabka ku dhuftay in ay Ciidamadooda dileen labo ka mid ah Kooxihii weerarka ku soo qaaday.

    Dagaalkan ka dhacay Xaafadaha ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ahaa mid ugu cuslaa tan iyo intii ay Degmadaas dagaallada ka dhacayeen, iyadoo sidoo kalena uu dagaalkan geystay dhimashada Dad aad u badan oo rayid ah, kuwaasi oo ay ku habsadeen madaafiicdii ay labada dhinac isku ridayeen.


     

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)