Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)
    Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waa urur Siyaasi ah oo nabadeed oo la dhisay in
    uu fagaarayaasha caalamiga ah ku metelo bulshadda Soomaaliyeed, isla markaana
    Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Soomaaliyeed ee dulman.
    Ujeeddooyinka Isbahaysiga waxaa ka mid ah ka shaqeynta sidii ciidanka Ethiopia
    waddanka looga saari lahaa dariiq kasta oo suurto gal ah, sida ku cad xeerka Isbahaysiga
    qodobadiisa 6,7,8. Dariiqooyinkaas waxaa ka mid ah in Beesha Caalamka laga
    fahamsiiyo aragtida Isbahaysiga ee ku aaddan xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.
    Waxaan Shacabka Soomaaliyeed uga cudur daaranaynaa kana raali gelinaynaa hadallada
    aan munaasibka ahayn oo aan lagu farxi karin oo kasoo yeeraya xubno ka tirsan
    Isbahaysiga, waxaanna u ballan qaadaynaa in aan la harayn wixii dadaal ah ee arrinkaasi
    lagu xallin karo.
    Waxaan ugu baaqaynaa xubnaha Isbahaysiga ee ka muujiyey dareenkan filan waaga ah
    wada xaajoodka ka socda dalka Djibouti in ay dhowraan nidaamka iyo kala dambeynta,
    isla markaana ilaaliyaan xeerka Isbahaysiga, una turaan dareenka iyo damiirka Shacabka
    Soomaaliyeed oo ay daashadeen khilaaf iyo is qabqabsi an dhamaad lahayn.
    Wixii talo ama dhaliil ah oo Isbahaysiga dhexdiisa ah waxaa lagu saxayaa qaabka iyo
    nidaamka u degsan Isbahaysiga, waxaana ka codsaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe
    inuu si degdeg ah isugu yeero xubnihii Golaha Dhexe laguna qabto kalfadhigii 2aad ee
    Golaha Dhexe dalka Djibouti.
    Dowladda iyo Shacabka Eritrea waxaan uga mahad celineynaa sidii geesinnimada lahayd
    oo ay u garab istaageen qaddiyadda Soomaaliya xilli ay dunida oo dhami irdaha ka
    xiratay, sidoo kale waxaan abaal weyn uga haynaa gogoshii ay u fidiyeen Soomaalida si
    ay u qabsadaan Shirweyne ay ugu tashanayaan aayohooda iyo hoyga ay siiyeen xubnaha
    Isbahaysiga.
    Waxaa nasiib darro ah oo aan aad uga xunnahay in ay dawladda Eritrea ku dhaqaaqday
    wax aan laga filayn kadib markii ay isku dayday in ay fara geliso muujisayna
    rabitaankeeda iyadoo ka shaqaysay qaybinta iyo iska hor keenka madaxda iyo xubnaha
    Isbahaysiga meeshii ay ka shaqayn lahayd wanaaga iyo midnimada xubnaha Isbahaysiga.
    Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waxaa loo dhisay in uu dalka ka xoreeyo
    gumeystaha kusoo duulay iyadoo la adeegsanayo maskax xor ah oo ka turjumaysa
    rabitaanka iyo danaha Shacabka Soomaaliyeed, waana soo dhoweyneynaa cid kasta oo
    wax taraysa qadiyadda Soomaaliyeed cidna kama oggolaanayno in ay marin habaabiyaan
    habsami u socodka howlaha Isbahaysiga.
    Dowladda Eritrea waxaan nahay saaxiib waxayna nagu leedahay abaal aan la illoobi
    karin, hase yeeshee talada waxaa iska leh Soomaalida, waxaana ka codsanaynaa in ay dib
    uga fiirsato mowqifka aan wanaagsanayn oo ay qaadatay, Isbahaysigana ay kala xiriirto
    madaxdiisa, hana ogaato in aysan wax dan ahi ugu jirin iyada iyo annagaba burburka iyo
    kala taga Isbahaysiga dalkeeda lagu dhisay.
    Waxaa noo muuqata fursad wanaagsan oo looga faa’iideyn karo Ummadda Soomaaliyeed
    haddii loo fekero si haboon oo ka fog caadifad iyo danaysi.
    Waxaan u aragnaa tallaabada beesha caalamku ay haatan isugu soo taagtay una
    garawsatay in Ethiopia ay tahay caqabadda ugu weyn ee hor taagan xalka arrinta
    Soomaaliya loona baahanyahay in Soomaaliya laga saaro, in ay tahay tallaabo loo qaaday
    xagga wanaagga, ayna haboon tahay in la meel mariyo.
    Waxaan Beesha Caalamka u caddayneynaa in ay Ethiopia leedahay rabitaan weyn oo ah
    in ay haysato dalka Soomaaliya aysanna doonayn in ay ciidamadeeda kala baxdo dalka
    Soomaaliya, taasina waxay ku caddahay warkii uu ku hadlay Melles Zenawi 22 May
    2008 oo uu ku sheegay in uusan ciidamadiisa kala baxayn dalka Soomaaliya. Arrinkaasna
    wuxuu caqabad ku yahay hindisaha nabad raadinta ee uu wado Wakiilka Qaramada
    Midoobey Mudane Axmed weld Cabdalla.
    Waxaan si weyn u soo dhoweyneynaa warbixintii guddiga qaabilsan la socodka cuna
    qabateynta hubka ee Soomaaliya uu ka jeediyey Golaha Ammaanka, taas oo si cad u
    qeexeysay xad gudubyada ay geysanayaan Gumeysiga Ethiopia iyo meleesiyaadka
    TFGda. Sidoo kale waxaan taageereynaa tala soo jeedintii guddiga ee ahayd in la
    magacaabo guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara dembiyada dagaalaka, iyo in
    joogitaanka ciidamada Ethiopia uu xadgudub ku yahay go’aanka Golaha Ammaanka ee
    cunaqabataynta hubka Soomaaliya, taas oo ay caadeysteen in ay jebiyaan dhowr iyo
    tobankii sano ee la soo dhaafay.
    Waxaa lagama maarman ah in ay Ethiopia dalkeenna isaga baxdo, Soomaaliduna
    aayaheeda u tashato lana soo celiyo madax bannaanida iyo qarannimada Ummadda
    Soomaaliyeed. Beesha caalamkuna waa in ay tix geliyaan rabitaanka shacabka
    Soomaaliyeed una soo jeestaan wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya.
    Isbahaysiga waxaa ka go’an inuu ka fekero kala doorashadda laba sharood; taas oo ay
    siyaasadda sharciga ah iyo waaqaca siyaasiga ahba ay keenayaan. Sheekh Ibnu Taymiya
    ayaa yiri “ Ruuxa Caaqilka ahi wuu kala gartaa khayrka iyo sharka, laakiin
    Xakiimku waa ruuxa laba shar kala dooran kara”.
    Waxaan aamin sannahay in ay nasaaran tahay masuuliyad weyn oo u baahan in si aad ah
    looga fekero, si xilkasnimo lehna wax la isugu miisaamo. Isbahaysigu isagoo taa ka
    duulaya ayuu go’aansaday inuu wadahadal ka galo wax kasta oo Ethiopia dalka looga
    saari karo.
    Waxaa kaloo muhiim ah in aan hoosta ka xariiqno in midnimadda, madaxbanaanidda iyo
    qaranimadda Soomaaliya ay halis ku jirto, sidaas darteedna ay waajib tahay in la
    badbaadiyo, taasina ay tahay baahidii keentay in la go’aansado halganka iyo
    muqaawamada, waxaana naga go’an in halgankaas uu sii socdo inta laga xaqiijinayo
    baahidii keentay.
    Waxaan maanta halkan Ummadda uga Caddaynaynaa in aan dooranay jidka wadahadalka
    iyo muqaawamadda oo wada socda, qaadanayna wixii dhibaatada Soomaaliya lagu
    dhamayn karo ama lagu soo celin karo madaxbanaanidii, sharafteedii iyo
    qarannimadeedii Soomaaliya.
    Waxaan rejeyneynaa in uu guuleysto shirka dib u heshiisiinta, kana ka soo baxaan natiijo
    wanaagsan oo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.
    Waxaan ugu baaqaynaa Beesha Caalamka:
    1- In ay xoogga saaraan sidii dalka Soomaaliya loga saari lahaa ciidamada Ethiopia.
    2- In Shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan degdeg loo gaarsiiyo kaalmo banii
    aadanimo.
    3- In laga shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed ee laga qixiyey guryahooda dib
    loogu soo celin lahaa.
    Waxaan si aad uga mahad celineynaa Dowladda iyo Shacabka reer Djibouti sida
    wanaagsan ee had iyo jeer u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee walaalahood
    ah uguna howlan yihiin xal u helidda mushkiladooda.
    Ugu dambayntii waxaa hubaal ah oo aan si aad ah ugu kalsoonnahay in uu shacabka
    Soomaaliyeed guusha leeyahay Inshallah uuna beegsanayo hal ku dheggeenna ah:
    XORNIMO, NABAD, MIDNIMO.
    Sheikh Sharif Sheikh Axmed
    Guddoomiyaha Isbahaysiga
    Djibouti, May 25th , 2008
    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)