Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    wararkii ugu danbeeyey ee sportiga caalamka iyo zaciimka
     
    AC Milan  Pato: waxaan balanqadayaa inaan helno booska Champions League 

    Cayaarayahanka dada yar ee naadiga ac milan Alexandre Pato ayaa balan qaadey in AC Milan ay ku
    dhameysan doonto horyaalka kaalinta 4aad dhinaca kala horeynta isla markaana heli doonto booska
    champions leuge.ka dib guushii  Torino,ay ka gareen milan oo 1-0 uu u dhaliyey Pato ay ku quusiyeen
    ayuu xidigu hadley waxana uu wargeysyada u sheegey ; wanu heli doonaa kalinta 4aad si aynu u
    cayaarno tartanka championka waana mid aynu ku kalsoonahay in ay arintasi dhici doonto ayuu sii
    racsadey da yarka reer brasil ee janayo rasmi ahaan garoonka u soo galley milan ka dib markii ay
    bartamaha xaggaagii hore ay ka soo qaadatey international de porto alegre naadiga lagu magacaabo.
    alexandro patto ayaa waxaa uu amaaney xidiga ku naadiga ah ee Gilardinho isagoo qirey in guushii ay
    turino ka gaareen uu isaga keeney sababteedana lahhaa. waa cayaaryahan wanaagsan oo dadaal badan
    sidaa daradeed waxaan u sheegi lahaa masuuliyinta milan in aan la iibin ayuu ku soo afmeerey patto
     
    Samuell Eto'o:ma taagna maanta in laga hadlo Ronaldinho ee waa Krkic,
     
    Samuel Eto'o oo weerarka uga cayara naadiga barcelona iyo xulka cameroon ayaa sheegey in naadigiisu
    uu qaadi doono labada tartan ee iminka u harey ee Laliga iyo champions leuge.ka dib guushii ay ka
    gaareen nadiga  Real Valladolid, oo ay 4-1 kaga adkaadeen ayuu eto"o waxaa uu xusey in dhinaca laliga
    ay rajo weyn ka qabaan iyadoo iminka 4 dhibcood oo kaliya ay ka horeyso Realmadrid oo laga
    adkadey.waanu soo qaban doonaa Real madrid waayo waxaa dhiman ilaa dhowr kul;an weliba naadiyo ka
    cararaya heerka labad ayey la cayaari doonan ayuu sii raaciyey.mar wax laga weydiiyey arinta
    Ronaldinho ayuu eto'o waxaa uu ku jawaabey ma taagna maanta Ronaldinho mana aha in laga hadlo
    xaaladda maanta waxaa mudan in la amaano xidiga yar ee Bojan Krkic oo 2 gool shabaqa ku hubsadey
    waxaana u rajeynayaa inuu ka badan u qabto barca ayuu ku soo afmeerey xidiga 3 jeer qaadey african
    player of year.
    ---------------------------
    Eriksson oo bartilmaameedsadey weeraryahanka Barceolana

    Tababaraha naadiga Manchester City ayaa cadeeyey sida uu u daneynayo cayaaryahanka Barcelona'ee
    18-jirka ah ee weererka ka cayara  Giovani dos Santos, according to the player's father Zizinho.
    cayaaryahanka u dhashey Mexico  Dos Santos oo xili cayaareedkii hore laga soo qaadey junyerska
    barcelona ayaan helin boos rasmi ah ka dib markii uu booska ka qabsadey  xidiga isna da;da yar ee Bojan
    Krkic ayaa waxaa barca ay dhowaan shaacisey in ay iska iibin doonto hadii ay ku heleyso qiiimo macquul
    ah.sida uu sheegey wakiilkiisa lagu magacaabo " Zizinho oo ah aabaha dhaley oo u waramayey
    wargeyska  El Universal ee ka soo baxa dalka mexico ayaa waxa uu xusey in naadiga man city ay xiriir
    toos ah la soo sameysey iyada oo dooneysa xidigaasi waxaan la hadley ayuu yiri tababare erikson oo
    telefoon aanu ku wada xiriirney waxaana uu ii cadeeyey in uu iibsan doono dossantos hadii la isku
    afgarto.ma garan karo waxa ay ku dhaman doonto cayartyahankana waxa uu jecelyahay inuu iska sii jogo
    laliga gaar ahan naadigiisa barcelona laakiin naadiga aya ku dhawaaqey in ay iibin doonan ayuu ku soo
    afmeerey hadalkiisa wakiilka xidigaasi.Dos Santos ayaa 25 kulan  u dheeley Barca xiligan waxana uu u
    dhaliyey hal gool oo kaliya ka uu ka dhaliyey kulankii  Champions League ee Stuttgart.
    ---------------------------------
    Australia oo shaacisey in ay martigelin doonto 2015 Asian Cup

    xiriirka kubadda cagta ee Australia ayaa cadeeyey in ay doonayan marti gelinta  2015 Asian Cup.
    Australia ayaa xubin ka ah Asian Football Confederation's iyadii qaarad gooni ah ayaa hadana waxa ay ka
    heshey xubinimadaasi bishii  January 2006, waxaana iminka ay wadaan dadal ku adan sidii ay mar u heli
    lahayeen marti gelinta koobka qaaradda asia,sanadka 2011 Asian Cup ayaa waxaa marti gelindoona dalka
    Qatar .The Football Federation of Australia ayaa ku doodey in ay xaq u leedahay in ay hesho marti gelinta 
    2009 ama 2010 FIFA Club World Cup
    =Lampard: yeysan isasiinin  Man Utd horyaalka premiershipka
     
    Cayaaryahanka khadka dhexe ee naadiga chelsea Frank Lampard ayaa ku waaniyey naadiga manchester
    united in ay san isasiin karin koobka premiershipka england oo ay hogaankiisa hayaan.lampard oo u
    waramayey wargesyka the sun ee dalka england ayaa waxaa uu u sheegey man in ay garaaci doonaan
    kulanka labada naadi ay yeelan doonaa 26ka bisha  april ka dibna la is weydiin doono cida qadi karta
    premiershipka ayuu raaciyey frank lampard oo la hadal hayey inuu isaga tegi doono
    Lampard ayaa qirey in manchester ay tahay naadi wanaagsan oo awoodi kara in ay difaacdaan koobka
    laakiin uu yiri waxaanu nahay naadi awoodooda aan ka liidan isla markaana kulamadii ugu danbeeyey
    qabkii aynu u cayaarney ayaa aha mid isku xirnan aynu muujiney iyadoo ay nasiib daro ahayd in
    totenhum ay nagu celiso 4-4 ayuu ku soo koobey lampard hadalkisa.

    ==tababaraha arsenal oo wakiilo u dirsadey xiddiga lyon ee Ben Arfa
     
    Naadiga arsenal gunners ee dalka england ayaa waxaa ay sheegeen in ay si weyn u baadi goobeyso
    cayaaryahanka qadka dhexe ee Ben Arfa.
    21jirkaasi ka soo jeeda dalka tunisia ayaa waxaa qandaraskiisa joogitaanka garoonka Stade Gerland uga
    harsan 2 sanadood iyadoo naadiyo fara badan ay sidoo kale xiiseynayan sida manchester united.
    tababaraha reer france ee leyliya arsenal arsenn wenger ayaa waxa uu saxaafadda u sheegey in wakiilo
    uu u diri doono lyon si loola soo furo wada hadalo ku saabsan xidigaasi.sidoo kale wenger ayaa waxaa uu
    sheegey in goolhayaha naadiga Barnsley's   Heinz Muller. oo u dhashey dalka germany uu soo qaadan
    doono. waxaana uu macalinku doonayaa inuu 29jirkaasi goolka qabta uu bedel uga dhigi doono
    goolhayaha kale ee reer germany jens Lehmann oo ka tegi doona emirats stadium.
     
    Napoli oo u dhaqaaqdey soo xero gelinta weereryahanka Real Madrid Saviola
     
    Naadiga Napoli ayaa qorsheyneysa in ay soo qaadato weeraryahanka naadiga Real Madrid  Javier Saviola.
    xidiga u dhashey dalka  Argentina wakiilkiisa  Jorge Cysterzpiller,  ayaa waxaa uu cadeeyey in naadiyo ka dhisan  Italy, ay dalabyo fara badan ka soo gaareen sida naadiga juventus oo sheegtay in xidigasi ay qaadan doonto hadii ay weyso cayaarayahanka werder bremen ee Dieggo oo ay ku raad joogan nadiyo fara badan waxana wakiilka uu intaa raaciyey in dalabkii ugu danbeeyey ee saviola lagu doonayo ka soo gaaray naadiga caanka ah ee napoli.
    Juve, Milan & Roma oo isku heysta cayaaryahan Zapata


    Naadiyada Juventus, Milan iyo Roma,ayaa la sheegey in ay isku heystaan cayaaryahanka  naadiga Udinese  Cristian Zapata, sida uu xaqiijiyey wakiilka xiddigasi.
     cayaaryahanka qeybta dhexe ee daafaca ka cayara  Zapata ayaa dib ugu soo laabtey naadiga reer talyaani ee udinese waxaana uu u saftey  21 Serie A isagoo ka caawiyey in ay kaalinta  6aad ay ka soo gasho dhinaca kala horeynta.    wakiilka cayaryahanka oo lagu magacaabo  Daniel Vidal ayaa waxaa uu cadeeyey in xiriir badan ay la soo sameeyeeyn wakiilo ka socda 3dasi naadi iyaga oo dalbanaya cayaaryahanka waxa kale oo uu xusey in sidoo kale naadiga Arsenal ee dalka england ay dalabyo ka soo gaareen.waxaa uu aad u aaminsanyahay in nolosha naadiga udinese ay tahay mid uu ku faraxsanyahay mana garan karo inuu is bedel ku imaan karo marka uu maqlo dalabyadan ayuu hadalkiisii sii raaciyey wakiilka waxana uu qeexey in ilaa iminka aysan jirin qiime loo soo bandhigey laakiin ay naadiyada qaarkood sheegen in mushaar fiican ay u balan qaadi doonaan zapata.
    Ahmed Hassan oo heshiis hor dhac ah la gaarey  Al Ahly


    Xiddiga u dhashey dalka masar  Ahmed Hassan oo  qandaraaskiisa naadiga reer  Belgium’ ee Anderlecht  uu dhamaanayo xili cayareedkan ayaa waxaa la sheegey inuu heshiis hordhac ah uu la galay naadiga ka dhisan dalkiisa hooyo ee  Al-Ahly .ka dib markii ay isku qabsadeen labada naadi ee kala ah Al-Ahly and Al-Zamalek, oo ah kuwa ugu awooda badan dalka masar ayaa waxa ugu danbeyntii la shaaciyey in xiddigu
    heshiis hor dhac ah uu la galey al ahli iyadoo heshiiska intiisa kale la dhameyn doono bisha may ee soo socota.cayaaryahan ahmed hassan waxaa uu qeyb weyn ku laha guushii uu xulka qaranka dalkiisa markii 6aad ku hantey koobkii qaramada afrika ee horaantii sanadkaan ku soo dhamadey dalka Ghana.
     
    Maxay qoreen wargeysyadda sportiga caalamka


    Xiriirka kubadda cagta ee somalia ayaa wada qorshe ay ku kasbanayaan saxaafadda sportiga iyago la shiraya madaxda idaacadaha muqdisho (xan)
    dhinaca kale xiriirka ayaa wel wel ka muujinaya in gobolada bari aysan ka dhici doonin cayaaraha gobolada iyadoo murankii J/hoose aan weli la xalin ( xan )
    gudoomiyaha Gos iyo wasiirka sportiga oo ka qeyb galey cayaaro ay lahaayeen somalida diaspra iyo cayaartoyda djabuti oo ka dhacdey djabuti ( ilo gaar ah)
    Arsenal tababaraheeda  Arsene Wenger ayaa u sheegey Lyon's aduun dhan £17m-si ay uga iibiyaan weeraryahankooda  Hatem Ben Arfa. (Various)
     Gunners macalinkeeda ayaa sidoo kale  badigoobaya Goolhayaha Barnsley HeinzMuller, kaa oo lagu qiimeyey  £2m. (The Sun)
    Chelsea wererkeeda  Didier Drogba  ayaa ku qanciyey sxbadiisa inuu joogayo Stamford Bridge laakiin uu eegi doono waxa dhaca dhamaadka xiligaan (The Times)
    Middlesbrough tababareeha Gareth Southgate aya isku diyarinaya in £4m kaga soo iibsado Fulham qadkeeda dhexe Jimmy Bullard. (The Times)
    Tottenham macalinkeeda  Juande Ramos ayaa isha ku haya in  £8m-u gaaro Udinese daafaceeda  Andrea Dossena. (Daily Mirror)
    Manchester City weeraryahankeeda Emile Mpenza ayaa doonaya inuu u wareego Leicester. (Daily Mirror)
    Bolton daafaceeda  Abdoulaye Meite ayaa diidey fursada uu amaah ahaan ugu wareegayo isagoo ka doorbidey inuu heshiis kale la galo nadigiisa(The Independent)
    weeraryahanka Steven Fletcher ayaa shaciyey inuu ku faraxsanyahay in xili cayaareed kale uu sii joogo Easter Road iyadoo ay badigoobeyso Real Madrid. (Various)
    Dider Drogba oo sheegey in horyalka premiershipka ay ka dulqaadi doonan manchester united ka dib guushii arsenal (the sun)
    Cayaaryahan Gilberto silva oo diidey in william gallas uusan lumin sxbadii uu ku lahaa garoonka emirets walow ay ka adkaatey naadigiisii hore (independent)
    arsen wenger ayaa ku fakaraya sidii uu kaalinta 2aad xitaa uga heli lahaa tartanka champions leuge(Various)
    Naadiga Roma aya wel wel balaaran ka muujineysa dhaawaca soo gaarey cap Totti iyadoo ay kulanka Cagliari Daniele De Rossi, Mirko Vucinic iyo  Simone Perrotta ka maqan yihiin. (la Gazetta)
    cayaaryahan pabel Nedved ayaa ka fekeraya in juventus uu la galo heshiis kale oo cusub (tutto sport)
    Alberto Aquilani oo ka tirsan Roma ayaa warqad hambalyo ah u direy juventus ka dib markii ay ka adkadeen intermilan.(Corriere dello Sport)


     

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)