Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Ururka Hubeysan ee Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay been been u arkaan heshiiskii dhawaan dhinacyada mucaaradka Asmara iyo xukuumadda Federaalka ay ku saxiixeen dalka Jabuuti,iyadoona ururku uu wacad kumaray in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kaga jiraan Somaliya.

    Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu Mansuur) ayaa sheegay in aysan joojin doonin dagaalka ay wadaan inta dalka ay ka saaraan Ciidamada Itoobiyaanka ee xoogga kusoo galay dalka,isla markaana aysan aqbali doonin Itoobiyaanka oo sii jabaya in lagu qariyo jabkooda heshiis aan jirin.

    Sheekh Abu Mansuur waxaa uu cadeeyay in kuwii heshiiska ku saxiixay dalka Jabuuti ee Isbaheysiga Xoreynta aysan waxba xakumin taasina ay tusaale dhab ah u tahay in dagaalka wali uu kasii socdo dalka wixii xabad joojinta ay ku sheegeena aysan jirin meel ay ka hirgashay.

    Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur waxaa uu dhinaca kale ugu baaqay dhamaan shacabka Somaliyeed in aysan aqbalin in sida uu yiri gaalo ay isku dhiib dhiibto,taasi oo uu ku sheegayay in dalka la keeno ciidamo Caalami ah sidii lagu saxiixay heshiiska Jabuuti.

    Ururka Al-Shabaab ayaa kamid ah xoogaga hubeysan ee miisaanka culus ku leh arrinta daka,hadane aan ogoleyn wax heshiis ah xilligan in dalka uu ka dhaco intaba laga soo celinayo nidaamkii Islaamiga ahaa ee Midowga Maxaakimta Islaamka,kaasi oo nabad aan hore loo arag dalka kuso dabaalay sanadkii 2006 mudo lix bilood ah oo dalka ay maamulayeen.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)