SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley oo maanta shir jaraa’id qadka taleefoonka ugu qabtay warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan Ciidamo Shisheeye oo la keeno Soomaaliya Bad iyo Berri.
“Haddii shirka loo fadhiyo Jibouti uu ka soo baxo go’aan ah in Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay waxaan arrintaas u saarnay guddi Culumaa’udiin ah oo meel soo saari doona cawaaqibka ay la imaan karaan ciidamadaas, haddana ma rabno in aan ka hor-dhacno, waxaanse caddeyneynaa in aaney Ciidamo Shisheeye faa’iido u keeneynin dalkan iyo dadkan”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley.
Shiikh Maxamuud oo sii hadlayay waxaa uu ka hadlay Qaraarkii dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa in Ciidamo la dagaalama kooxaha burcad badeedka loo soo diro Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in go’aankaas uu ahaa mid qaldan, “Qaramada Midoobay iyada ayaa Burcad Badeedka gelisay Xeebaha Soomaaliya, waayo xiligii Maxkamadaha Islaamka iyadoo lala dagaalamayo Burcad Badeedka ayay raali ka noqotay in weerar lagu soo qaado Maamulkii Maxkamadaha oo la ogaa nabaddii uu Soomaaliya ka hirgeliyay”ayuu mar kale yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley.
Wuxuu ka hadlay Shiikh Maxamuud dilal beryahan ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho oo lagu dilay Dad uu ka mid ahaa Afhayeenka Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Marxuum Cabaas Maxamed Ducaale, “Dilalkaas waxaa ka dambeeya Kooxda Ciidamada Cadawga ah dalka keensatay, waxayna doonayaan in ay dalka dib ugu celiyaan xiligii Hoggaamiye Kooxeedyada, xiligaas oo la dili jiray cid kasta oo Bulshada wax-gal u ah”ayuu yiri Shiikh Maxamuud oo gaashaanka ku dhuftay in ay dilkaas ka dambeeyeen xoogagga dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya.
“Alle ha u naxariistee Cabaas waxaa uu ka mid ahaa Dad u ololeynayay in la qaato Lacagta Kunka Shilin ee duugowday, taariikhda ayaana xusi doonta, marka sidee bey suurtagal ku noqoneysaa in aan dilno qof bulshada nooleynaya oo shaqeynaya sidii dhibaatada looga qaadi lahaa, mar kale ayaan ku celinayaa arrintaas waxaa ka dambeeya dilalka Muqdisho ka soo cusboonaaday Kooxda Ciidamada cadawga dalka ku soo hoggaamisay”ayuu mar kale yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley.
Ugu dambeyntiina Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka in ay u midoobaan sidii Ciidamada Itoobiya dalka looga saari lahaa, isagoo carrabka ku dhuftay in ay guusha aakhirka u dambeyn doonto shacabka Soomaaliyeed, “Ciddii is-dhaheysa Ciidamada Itoobiya dalka wey sii heysanayaan waa cid riyooneysa, waxaana leenahay riyadaas ma ahan mid run noqoneysa”ayuu yiri Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay ka soo horjeedaan in Ciidamo Shisheeye la keeno Soomaaliya Bad iyo Berri
- Xeebaha Magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhawaadeen Maraakiib Dagaal iyo Xaafada Ka agdhaw oo ay dul heehaabayaan Helicoptero.
- Ergadii isbaheysiga dib u xoreynta oo ka baxey iyagoo careysan hoolkii uu ka socdey shirka ka dib markii uu soo fariistey safiirka Ethiopia u fadhiya Jabuuti, lana diidey in laga saaro hoolka.