Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

     Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha sare ee Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu jiro dadaal la doonayo in wax looga qabto khilaafka soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

    Shiikh Xasan Daahir Aweys oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in ay guddi u saareen u kuurgelidda waxyaabihii keenay in xubnaha Isbaheysiga ay labo u kala baxaan, wuxuuna rajeeyay in wax hagaagi doonaan.

    “Haddii ay wax hagaagaan waa Alle mahaddiis, haddii ay hagaagi waayaana waxay noqoneysaa cudur-daar, qofkii gacmaha dadka ku filqana isaga ayay dhibeysaa”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in aanu jirin qof ka mid ah Isbaheysiga oo sameyn kara wixii uu isaga doono.

    Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu ka hadlay sharcinimada in kalfadhiga labaad ee Isbaheysiga Dib u xoreynta lagu qabto dalka Jibouti, wuxuuna sheegay in aysan taasi sharci ahayn, “Jibouti ma ahan fariisinka rasmi ah ee Isbaheysiga, midka KMG ahna ma ahan, marka maba jiri karo shir uu halkaas ku yeelan karo”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir.

    Hadalkan uu sii daayay Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu dhawaan ugu baaqay Dowladda Eritrea in ay ka fiirsato kala qeybin ay ku heysto Isbaheysiga Dib u xoreynta oo lagu aas-aasay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, “Waxaa nasiib darro ah oo aan aad uga xunnahay in ay dawladda Eritrea ku dhaqaaqday wax aan laga filayn kadib markii ay isku dayday in ay fara geliso muujisayna rabitaankeeda iyadoo ka shaqaysay qaybinta iyo iska hor keenka madaxda iyo xubnaha Isbahaysiga meeshii ay ka shaqayn lahayd wanaaga iyo midnimada xubnaha Isbahaysiga”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in ay Dowladda Eritrea abaal uga hayaan martigelintii iyo soo dhaweyntii ay u sameysay.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)