Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Allaha u naxariistee waxaa xalay gudaha magaalada B/weyne lagu dilay taliyihii ciidanka xooga dalka ee gobolka hiiraan Cornel C/laahi faarax (Juuni).

    Dilka Cornel C/laahi Juuni oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in ay fuliyeen kooxo hubeysan oo wajiyada soo duubtay inkastoo ehelada Cornelka la dilay qaar ka mid ah ay sheegeen in lagaranyo kooxahan dilka geystay hadana macado ilaa iyo haatan cida ka sida rasmiga ah ugu dambeyso dilkaasi.

    G/Sare C/laahi Faarax Juuni ayaa xilka abaanduulaha ciidamada xooga dalka ee gooblka hiiraan waxaa uu qabtay mudo 6 bilood ka hor ka dib markii uu xilkaasi ka geeriyooday Cornel Max'ed Xasan Xubeyro oo horay xilkaasi u haayay islamarkaasina ay DFKGS u soo magacaawday balse markii uu geeriyooday ayaa loo soo magacabay Cornelkan xalay la dilay.

    Cornel C/laahi Faarax Juuni ayaa baryihii ugu dambeeyay wax ilaalo u ahaa aysan la socon walow markii xalay falkan dilka ah uu dhacayay uu la joogay wiil dhalinyaro ah oo ilaa u ahaa kaasoo isna ku dhaawacmay weerarkaasi walow kooxaha dilka u geysatay Cornela sida la sheegay ay mudo haysteen wiil uu dhalay cornelka balse markii ay dileen aabahii ay sii daayeen.

    Dadka ku dhaqan Gobolka hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne ayaa si xun uga xumaaday dilkaasi waxayna sheegeen in uu yahay mid lagu cuuriyaaminayo beel ka mid ah beelaha dega gobolka hiiraan islamarkaana ay ka dambeeyaan beelo diidan hormarka beeshaasi sida ay hadalka u dhigeen.

    Qaar ka mid ah waxgaradka beesha xawaadle ayaa sheegay in ay arrintaani jawaab kulul ka siin doonaan cid allaale iyo cidii ka dambeysay falkan iyo kuwo kale oo 2dii isbuuc ee ugu dambeyay ka dhacay gudaha gobolka Hiiraan.

    Maanta waxaa gudaha magaalada b/weyne ka jiro kulamo ay yeelanayaan odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhalinyarada kuwaasoo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa arrintan soo korodhay ee ku aadan dilka qorsheysan ee lagula kacayo dadka waxgalka ah ee gobolka ku dhashay waxaan laga yaabaa in ciidamo madani ah lagu sameeyo kulamadan.

    Falkan dilka ah ayaa noqonayo kii 4 oo si bareer ah loogu dilo gudaha magaalada b/weyne mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka hiiraan qaar koodna ay sheegteen kooxaha ka soo horjeedo siyaasada DFKGS waxaana uu ku soo beegamayaa xili maalintii shalay ahayd uu ka dhacay gudaha magaalada b/weyne kulan looga hadlayay waxkaqabashada arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahayd xalaada amaanka gobolka oo faraha ka sii baxeyso.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)