Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Qaraxani ayaa lala eegtay Askar Ethiopian ah oo ku sugnaa halka loo Yaqaan Saldhig Yaraha iyo booyad nuuca biyaha qaada oo ay lahaayeen ciidamadaasi isla markaansina mareeysay halkasi.

    Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlayay nawaaxiga halka uu ka dhacay ayaan ilaa iyo hada si dhab ah loo ogaan karin qasaaraha ka dhashay ee soo gaaray ciidamadii lala beegsaday iyo booyadaba .

    Dada goob joogayaal ah ayaa waxaa ay Calanka u xaqiijiyeen in goobta qaraxa ka dhacay ey aheyd meel ay isku gadaameen ciidamada oo aanay jirin cid mari karta.

    Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana inta badan albaabada la isugu laabay goobihii ganacsiga, waxaana dadka magaalada ay yihiin kuwo guryahooda isaga xarooday, iyagoo ka baqaya in ay qabtaan Ciidamada.

    Waa qaraxii labaad oo muddo labo maalmood Ciidamada Ethiopia lagula eegto gudaha magaalada Baydhabo, kaasoo qasaare xoog leh la sheegay in uu ka soo gaaray ciidamada, waxaana qaraxii doraad la sheegay in ey ku dhinteen ilaa 10-ruux oo askari Ethiopian u badnaa.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)