SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Maraakib Dagaal oo gaaraya ilaa 3 markab oo laga leeyahay Dalka France sida wararka qaar ay sheegayaan ayaa waxaa ay Si weeyn ugu soo dhawaadeen Xeebaha Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Dekeda iyo Airportka Waxaana sidoo kale la arkayay Diyaarado Helicopter ah oo ka soo duulaya.
Maraakiibtani oo ahaa Kuwa dagaalka ayaa waxaa ay gaaryaan inta la arkay ilaa 3 markab oo si weeyn ugu soo dhawaaday Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaana dadka deegaanada Ka ag dhaw Dekeda iyo Garoonka ay sheegayaan in ay arkayeen Maraakiibtaasi oo ay ka soo dul kacayaan Diyaaradaha Helicopterda ah waxaana la aaminsan yahay in ay galbinayeen Markab u rararn Hay'ada gargaar sida la sheegay.
Sidoo kale dadkani waxaa ay sheegeen in Ay arkayeen Doomo dheereeya oo iyan ay Saaran yihiin Ciidamada AMISOM oo iyana Roondooyin ku haya Xeebta ka agdhow Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Dadka ku nool Degmooyinka ka ag dhaw xeebta Muqdisho sida Kaaraan,C/siis,Shingaani,Xamar Weeyn,Xamar Jab-Jab,Waaberi iyo Wadajir ayaa shabelle u sheegay in Diyaaradaha Helicopterda ay xaafadahooda dul heehaabayaan isla markaana ay joog hoose ku socdaan kuwasi oo ka soo dul kacayay Maraakiibta Dagaalka ee ku soo dhawaaday Xeebaha Muqdisho.
Maraakiibtani Dagaalka ee ku soo dhawaaday Xeebaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay saameyn weeyn ku yeesheen Murqmaalkii u jilaabsi tagayay Xeebaha kuwaasi oo aan saaka wax kaluumeeysi ah u Aadin Xeebaha Muqdisho iyagoo ka Baqdin qaba in dhibaato ay kala soo gudboonaato Maraakibtaasi dagaal ee ku soo dhawaaday xeebaha.
Ma’ahan markii ugu horeysay ee ay Maraakiibata Dagaalka iyo Diyaaradaha lagu arko xeebaha Magaalada Muqdisho waxaana horaantii Bishii aynu ka soo gudubnay xeebta liido ee degmada C/siis ee gobolka Banaadir lagu arkay Maraakiib Dagaal iyo diyaarado Helicoptero ah kuwasi oo ciidamadii saarnaa ay ku soo degteen Xeebtaasi isla markaana ay Qab qabteen dad ku dabaalanayay Bada isla markaana Jirdil u geeystay kana tagay markii danbe halkaasi iyado aan la ogeeyn wax ay u yimaadeen.
Inta badan waxaa la arkaa maraakiibtani dagalka in ay u soo dhawaadaan Xeebaha magaalada Muqdisho xiliga ay galbinyaan Maraakibata Ganacsi iyo kuwa sida Shixnadaha Gargaarka ah ee ku soo wajahan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho arimahani oo soo Batay Kadib markii ay Xeebaha Soomaaliya ku soo bateen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee Afduubka u geeysta Maraakiibata u soo Socota Dalka Soomaaliya ee Sida Shixnadaha Gargaar iyo Ganacsi.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Madaxweynaha Dalka Kenya oo Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay ka gaabisay Wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.
- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay ka soo horjeedaan in Ciidamo Shisheeye la keeno Soomaaliya Bad iyo Berri
- Xeebaha Magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhawaadeen Maraakiib Dagaal iyo Xaafada Ka agdhaw oo ay dul heehaabayaan Helicoptero.