SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Madaxwnaha Dalka Kenya Mwai Kibaki Ayaa beesha caalamka ku eedeeyay in ay Wax u qaban weysay Shacabka Soomaaliyeed xili uu ka dhoofayay Garoonka Diyaaradaha magaalada Nairobi Ee Jomo Kenyatta.
Inta uusan ka duulin Magaalada Nairobi Mwai Kibaki ayaa waxaa uu si weyn uga hadlay arimaha Ka taagan wadamada Soomaaliya,Zimbabwe iyo Suudaan waxaana uu ugu Baaqay ururka Midowga Africa iyo Kan IGAD iyo weliba beesha Caalamka in la taageero qorshaha ay QM ku dooneeyso In Ciidamo Loogu Soo diro Dalka Soomaaliya oo la qorsheeynayo in la keeno dhawaantan si ay xal uga gaaraan dhibaatada la degtay dalka Soomaaliya.
Mwai Kibaki oo xiligan ah Gudoomiyaha Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka qeeyb galo Kulanka maanta ka Furmay Wadanka Ethiopia isla markaana uu Xilka Gudoomiye Nimada uu ku wareejiyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Meles Senawi.
Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa waxaa uu sheegay in Ay Arimaha Soomaaliya ku hungoobeen Ururka IGAD iyo Kan Midowga Africa qorshahooda ku aadanaa in dalka Soomaaliya loo soo diro Ciidamo nabada ilaalin ah taasi oo ay horay u wada Ogolaadeen Balse ay balantaasi ka soo bexeen Wadamada Uganda iyo Burundi.
Kibaki ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in la damiyo Xiisadaha ka Bidhaamaya gobolka Geeska Africa gaar ahaan wadamada Eritrea iyo Jabuti iyo weliba Soomaaliya waxaana uu beesha Caalamka ugu baaqay in ay xal ka gaarista arintaasi u istaagto.
Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa si weyn u soo dhaweeyay Shirka Wadanka Jabuti ay kuwada Gaareen Dhicyada Soomaalida gaar ahaan Dowlada iyo Isbeheeysiga dib u xoreynta Soomaaliya, waxaana uu kulankasi ku tilmaamay mid horay dhanka nabada loogu qaaday waxaana uu ugu baaqay Soomaalida in ay xaliyaan dhibaatada ka taagan dalkooda.
Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in dowladiisa ay ku dedaaleeyso sidii horay loogu sii qaadi lahaa nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya waxaana uu ku faanay in dowlad haatan ka jirta dalka Soomaaliya lagu soo dhisay dalkisa.
Hadalka Kibaki ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dhibaato adag ay ka soo sheeganayaan Dadka Soomaalida ah ee ku nool Dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ciidamada Illaada Xadka labadasi dal kala qeybiya oo ay sheegeen in xadka ay ka xiraan mar waliba.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Madaxweynaha Dalka Kenya oo Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay ka gaabisay Wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.
- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay ka soo horjeedaan in Ciidamo Shisheeye la keeno Soomaaliya Bad iyo Berri
- Xeebaha Magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhawaadeen Maraakiib Dagaal iyo Xaafada Ka agdhaw oo ay dul heehaabayaan Helicoptero.
- Fahfaahin dheerad ah: Dagaalo dhimsho iyo dhawac Sababay oo maanta ka dhacay Qeeybo ka mid ah gobolka Banaadir. (Dhageeyso)
- Hoobiyeyaal si ba'an loogu garaacay Warshadda Baastada iyadoo halkaa dagaal xoogan ka soconaya.
- Dagaal Culus oo goor dhaw ka Qarxay Ex,Warshadii Baastada oo fariisin u ah Ciidamada Ethiopia