SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Xabsiyo qarsoodi ah oo ay ciidamada Ethopia ka sameysteen fariisinkooda JANTA-KUNDISHO ayaa laguu soo waramayaa in ay ku jiiraan in ka badan 10-qof oo u badan dhalanyara kuwaasoo haataan xaaladooda nololeed ay tahay mid aad u liidata.
Dhalanyarada ku jirta xabsiyadan qarsoodiga ah ayaa ah kuwa lagala dagay gaadiid ay saarnayeen oo ku socaday gobolada dalka halka qaarna laga soo qab-qabtay gudaha magaalada B/weyne kadib howl-gal ay ka sameeyeen magaalada 24-kii saac aynu kasoo gudubnay .
Mid kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay sababa amaan darteed ayaa inoo xaqiijiyay in maxaabiistani jirdil lagula kaca xili walba kuwaasoo aad maqleeys qeyladooda waxaana uu xusay in ay ula muuqatay mid lagu baaraya in uu wax sheega hasa ahaate aysan jirin ayuu yiri cid u gurmaneysa dadkani la dhibaateynayo.
Maalimihii ugu danbeyay ayaa waxa soo baxaya warar hoose oo sheegay in ay jeeraan dad kamid ah maxaabiista oo ay toogteen ciidamada ethiopia kuwaasoo sida la sheegay ehaladooda ay waayeen hasa yeeshee la arakay ciidamada ethiopianka oo duugaya meydad waxaana aad looga shakisanyahay meydadkasi ay duugayaan in ay ahaayeen dad in dhawalaba la`laa.
Si kastaba ha ahaatee ciidamada Ethiopianka ah ee ku suagan gudaha iyo daafaha magaalada B/weyne ayaa marka ay howl-galo sameeyaan waxa ay ku qab qabtaan dad badan kuwaasoo qaarkood ay sii dayaan halka qaarna la waaya meesha ay la adaan arintaasi ayaa dadka deegaanka waxa ay ku abuuratay cabsi iyo wal wal baaxad leh iyagoo aysan isku haleyn karin wax ka qabashada arimahaani maamulka cusub.
Tan iyo markii ay gudaha dalka usoo galeen ciidamada Ethiopian ayaa waxaa lagu edeeyay in ay ku kaceen gadood falal ka dhan ah xuquuqda bini'aadanka tasoo aysan jirin cid wax iska weydiisa inkastoo howlaha ciidamada ethiopianka ay kawadaan gudaha dalka sheegaan in ay ku kaal meeyaan dowlada FKMS islamrakaana ay tahay howlo dib loogu soo celinayo hanaankii dowladnimo.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Xeebaha Magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhawaadeen Maraakiib Dagaal iyo Xaafada Ka agdhaw oo ay dul heehaabayaan Helicoptero.
- Ergadii isbaheysiga dib u xoreynta oo ka baxey iyagoo careysan hoolkii uu ka socdey shirka ka dib markii uu soo fariistey safiirka Ethiopia u fadhiya Jabuuti, lana diidey in laga saaro hoolka.
- Dagaal Culus oo ku dhexmaray xoogaga hubeysan iyo Ciidamada Uganda oo maanta kasocdo (Dhageeyso)