header
Search the Site   Advanced Search »
Sections
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31


Poll: Vote
boondheere website
Good
Very Good
Excelent
Bad
Very Bad
Poll results | Old polls


Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

War DegDeg ah: Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxeysa Dagaal ka dhacay Degmada Dhoobley

By boondheerelibaax on September 30,2024

Wararka inaga Soo Gaaraya Degmada Dhoobley ayaa waxa ay sheegayaan in ay dagaalo ka dhaceyn halkaasi kuwaa oo u dhaxeeya Ciidamada al-Shabab iyo kuwa DKMG ah Ee Soomaaliya. Aroornimadii saakay ayaa waxaa Ciidamo tiro badan Oo al-Shabab ah waxa ay Weerar kusoo qaadeyn fariisimo Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin Degmada Doobleey iyagoona dhowr aag ka galay halkaasi,

Degmadaasi ayaa waxa gacanta ku hayay Ciidamada DKMG ah Ee Soomaaliya kuwa Raaskambooni Ee la mideysan Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay wararku Sheegayaan in halkaasi ay dagaalo Xoogan kula galeyn Ururka al-Shabab Oo weerarku Soo qaaday.


Waxaana la Sheegayaa in Ciidamo ka tirsan al-Shabab Oo aad u farabadan inay Soo gaarayn Degmadaasi iyadoona dalka Kenya ay ka yimaadeyn Ciidamada DKMG ah Ee Soomaaliya oo gurmad ah Oo iyaga halkaasi lagu tababarayay


Warar Xog Ogaal ah oo laga helayay dadka Deegaankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkaasi ay ku dhinteen ilaa 30 qof kuwaaso lasheegayo in ay ahaayeen ku Ciidamada DKMG ah Ee Soomaaliya iyo al-Shabab oo iyaga dagaalo kusoo bandhigay Degmada Dhoobley.


Sidoo kale gacan ku haynta degmadaasi ayaa waxa kasoo baxaya wararka kala duwan Afhayeenka Ciidamada al-Shabab C/casiis abuu Muscab Oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Sheegay in al-Shabab ay Si buuxdo gacantooda ugu soo laabatay Degmadaasi Saraakiil ka tirsan Ciidamada DKMG ah Ee Soomaaliya Oo aan Xiriiro kala duwan la Samaynana waxa ay ka gaabsadeyn in ay faafaahino bixiyaan wallow ay sheegayeen in dagaalada ay wali socdaan.


Wararka Madaxa banaan aya waxa ay Tilmaamayaan in Magaalada barigeeda ay kusugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa al-Shabab iyadoona Qeybo yar Oo magaalada ka tirsana lagu arkayo gawaarida Ciidamada DKMG ah Ee Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni Oo Caawin u ahaa Ciidamada Dowlada waxa ayna wali isku dayayaan in ay Difaacdaan Degmadaasi.


226 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 5 votes)
Comments (0 posted)
kids_learning_891332612

read_quraan2_478307109

prayer__time_531036670

bar_aljabra_165065489

baro_english_153740289

Most Commented
Most E-mailed
Featured Author