SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed oo maanta Shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in maanta uu ciidamadooda isku soo dhibay Sarkaal Xigeen ka Tirsan Ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalka Soomaaliya iyo Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo watay Gaadiidka dagaalka sida uu sheegay.
Sheikh Max’uud Ibraahin Suuleey ayaa waxaa uu sheegay in Sarkaal xigeenkasi uu isku soo dhibay kadib markii sida uu yiri uu u dulqaadan wayaayay dhibaatada Loo geeysanayo ciidamada Ethiopianka iyo kan ay shacabka Soomaaliyeed ay u geeysanayaan.
Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in iyana Ciidamo ka Tirsan Kuwa dowlada KMG Soomaaliya oo wata gaadiid dagaal ay isku soo dhiibeen Maanta Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliya waxaana uu sheegay in si weeyn ay u soo dhaweeyeen ciidamadaasi iyo sarkaal xigeenka ka tirsan ciidamada Ethiopia ee joga Dalka Soomaaliya.
Sheikha ayaa waxaa uu ugu baaqay Ciidamada kale ee Ethiopianka ah ee jooga dalka Soomaaliya in ay iyana isa soo dhiibaan waxaana uu sheegay in ay ay ku abaalgudi doonaan in ay u maamulaan si wanaagsan.
Sheikha ayaa waxaa uu balan qaaday in ay dhawaan warbaahinta u soo bandhigi doonaan teesarayaasha cadeeynaya in ninkasi uu yahay Sarkaal xigeen ka tirsan Ciidamada Ethiopianka.
Ma jiraan wax war ah oo beeninaya ama Cadeeynaya oo ka soo baxay dowlada KMG Soomaaliya iyo Ciidamada Ethiopianka sheegashada Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ee ku aadan in maanta ay soo magan galeen Ciidamo ka Tirsan kuwa dowalada iyo Sarkaal xigeen ka Tirsan Ciidamada Ethiopia.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay ka soo horjeedaan in Ciidamo Shisheeye la keeno Soomaaliya Bad iyo Berri
- Xeebaha Magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhawaadeen Maraakiib Dagaal iyo Xaafada Ka agdhaw oo ay dul heehaabayaan Helicoptero.
- Ergadii isbaheysiga dib u xoreynta oo ka baxey iyagoo careysan hoolkii uu ka socdey shirka ka dib markii uu soo fariistey safiirka Ethiopia u fadhiya Jabuuti, lana diidey in laga saaro hoolka.