SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha Jibouti u waramayay Warfidiyeennada ayaa wuxuu sheegay in dhinacyada Soomaalida ay wada gaareen heshiis bilow ah oo u baahan in beesha looga rabo in ay taageeraan, sidoo kalena dhinacyadii wada gaaray iyana laga doonayo in ay meel-mariyaan.
Ahmedou Ould-Abdallah oo wax laga weydiiyay sababta loo caddeyn waayay qodob ka mid ah qodobadii ay dhinacyada Soomaalida ku heshiiyeen oo ahaa in ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya marka la helo Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo weliba ah nambar ku filan sugidda ammaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in arrintaas loo saari doono khubarro mileteri oo Qaramada Midoobay ka tirsan, kuwaasi oo uu sheegay in ay arrintaas ka hadli doonaan.
Sidoo kalena, waxaa isna Garoonka Jibouti saxaafadda kula hadlay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kaasi oo sheegay in wada hadalladii Soomaalida uga socday Jibouti ay ka soo baxeen miro wanaagsan, wuxuuna sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii uu heshiiskaas u noqon lahaa mid meel mara.
“aad baan ugu faraxsanahay heshiiskii la saxiixay, waa albaabkii nabadda laga geli lahaa, howl adag oo nabadeed bilowgeedii waaye, rajaduna wey wanaagsan tahay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo sheegay in haddii la dadaalo uu heshiiskan noqon karo mid ay dadka Soomaaliyeed dhibaatada uga bixi karaan.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu markaasi kadib baaq u diray dhinacyada Soomaalida ah ee wax tabanaya ee aan ka qeybgelin wada hadalladii Jibouti, wuxuuna ugu baaqay in ay wada hadallada ka soo qeybgalaan, ayna diyaar u noqdaan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa sharcigii iyo kala dambeyntii.
Hoggaanka Ergada wada hadallada ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame oo isagana warfidiyeennada la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ay rajo wanaagsan jirto, isla markaana ay furantay waddadii nabadda.
C/raxmaan C/shakuur waxaa uu sheegay in wada hadalladaas ay guul ku soo dhamaadeen, isla markaana ay dhinacyadii ku heshiiyeen ay isla guddoonsadeen in ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya uga baxaan muddo cayiman oo la isla ogyahay oo ah 120 maalmood gudahood.
Ugu damebyntiina, waxaa la eegi doonaa sida ay dhinacyada heshiiska wada gaaray u meel mariyaan qodobada ay ku heshiiyeen, iyadoo weliba la ogyahay in ay labada dhinacba qabaan dhinacyo ka soo horjeeda heshiiskaas.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay ka soo horjeedaan in Ciidamo Shisheeye la keeno Soomaaliya Bad iyo Berri
- Xeebaha Magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhawaadeen Maraakiib Dagaal iyo Xaafada Ka agdhaw oo ay dul heehaabayaan Helicoptero.
- Ergadii isbaheysiga dib u xoreynta oo ka baxey iyagoo careysan hoolkii uu ka socdey shirka ka dib markii uu soo fariistey safiirka Ethiopia u fadhiya Jabuuti, lana diidey in laga saaro hoolka.