Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Wadaadka caanka ah ee Islaamiga Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka soo horjeestay heshiis ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Sheekh Shariif kaas oo xalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

    Sheekh Aweys ayaa tilmaamay inuu rumeysan yahay in wax natiijo ah aanu ka soo bixin shirka, isla markaana aanay jirinba xubno iyaga matalaya oo Jabuuti shir uga qeyb galay

    “Majirto cid aan markii hore u dirsanay Wadahadaladaasi mana Jirto wax horumar ah oo la taaban karo oo ka soo baxay wadahadaladaasi waxaana ay noqdeen kuwo ku soo gab agabooba waxyaabihii aan markii hore uga dignay Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

    Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ku sugan Magaalada Asmara ayaa waxa auu sheegay inuu ka fikirayo sidii u bur burin lahaa waxyaabihii ka soo baxay Jabuuti oo isagu u arko xaaran cad oo ay ku heshiiyeen Dowladda iyo xubnihii ka socday Isbaheysiga.

    Sheekhu wuxuu sheegay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha muqaawamada ee kla socda Dalka, kaasi uu sheegay in Ethiopia dalka looga saarayo.

    Wuxuu ku macneeyay heshiiska in Ethiopia dalka uga baxdo muddo afar bilood ay tahay mid Dowladda lagaga codsanayo, waxaana uu intaa ku daray in taasi aanu cadeyn karin.

    Sheekh Xasan Daahir oo la aaminsan yahay inuu ahaa Aabihii Maxkamadaha Islaamiga, iyadoona Wadaadkan Reer galbeedka ku tilmaamaan inuu xiriir la leeyahay Ururka Al-qaacidah.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)