Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Waxaa caawa lagu soo afjaray magaalada Jabuuti shirkii maalmihii ugu danbeeyay kaga socday xubnaha Isbaheysiga Xoreynta iyo xukuumadda Federaalka Somaliya,iyadona dhaamadki dhirkaasi caawa lagu saxiixay heshiis ka kooban dhowr qodob oo xasaasi ah.


    Waxaa kaso qeybgalay gabagabadii shirkaasi Masuuliyinta kala mataleysay Wafdiyada dawladda Federaalka iyo Isbaheysiga Xoreynta,madax ka socota QM oo uu hogaaminayay Axmedou Walad Cabdalla,Sheekh Shariif Sheekh Axmed,R/wasaare Nuur Cadde iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

    Waxaa intaasi dheera in ay goob joog ka ahaayeen caawa halki heshiiskii lagu saxiixayay wakilo ka kala socday dalalka Jabuuti,Faransiiska,Mareykanka,Ingiriiska,Sucuudiga iyo qeybaha ururada Midowga Afrika,kan Yurub,Jaamacadda Carabta iyo xubno kale.

    Hadaba gabagabadii shirkaasi waxa laga soo saaray dhowr qodob oo labada dhinac ay isku raaceen,waxaana ay idin soo gudbineysaa shabakadda Boondheere.com dhamaan qodobadaasi:-

    Halkaan ka dhageeso


       1. Dhamaan dalka Somaliya laga bilaabo marka heshiiska la saxiixo in la ilaaliyo xuduudihiisa kala duwan.

       2. In xabad joojin rasmi ah lagu dhaqan galiyo mudo 90 maalmood gudahooda ah labada dhinac.

       3. 120 cisho gudahooda in labada dhinac ay kaga codsadaan Golaha Amaanka ee QM in uu Somaliya usoo diro Ciidamo Caalami ah.

       4. 120 maalmood gudahooda in ay ka shaqeyso dawladda Federaalka meel marinta go'aan hore ay u qaadatay Itoobiya oo ku aadan in dalka ay ka saarto ciidankeeda marka ay yimaadaan kuwa Caalamiga ah.

       5. Isbaheysiga Xoreynta in uu ka haro dhamaan dagaalada iyo rabshadaha,cidi kaso horjeesata heshiiskaasina uu iska fogeeyo kana bari noqdo.

       6. Dhinacyada heshiiskan saxiixay in ay ku baaqaan isla markaana gacan ka geystaan kaalmo Caalami ah oo la keeno dalka Somaliya.

       7. In la dhiso guddi ka kooban 15 xubnood oo labada dhinac ah kaasi oo la socda dhaqan galinta xabad joojinta labada dhinac.

       8. In la dhiso guddi ka kooban 15 xubnood oo QM hogaamineyso kana shaqeeya arrimaha siyaasadda iyo dib u heshisiinta.

       9. In labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan dhamaan heshiisyadaasi sidi loo wada fulin lahaa.

      10. Ugu danbeyn in Beesha Caalamka in ay gacan ka geysato dhamaan fulinta qodobadii labada dhinac ay isku raaceen arrinkaasina laga codsado.


    Waxaa ku saxiixan heshiiskaasi dawladda Federaalka Somaliya,iyo Isbaheysiga Xoreynta halka uu dhanka kale kaga saxiixan yahay wakiilka gaarka ah ee QM ugu qaabilsan Somaliya Axmedou Walad Cabdalla.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)