SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in heshiis hordhac laga gaaray gaar ahaan qodobkii ugu adkaa ee ahaa xili cayiman ay baxaayaan Ciidamada Ethiopia, waxaana la sheegay in dadaal dheer oo ay sameeyeen Dowlada Jabuuti & Safiirada Reer galbeedka ay ku qanciyeen gudiyo min shan xubnood ah oo 3 dhinac ka kala socda kuwaasoo kala ah Isbaheysiga dib u Xoreynta, Urukada Bulshada raydika iyo Kooxda Imbagati,
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Hotel-ka Kempinski ee ay degan yihiin Ergooyinka 3-da dhinac ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo iney dhinacyada yeeshaan kulamo fool-ka-fool ah, kuwaasi oo ay goob-joog ka noqon doonaan Dowlada Jabuuti, Safiirada Talyaaniga France, Ingriiska, Mareykanka & Wakiilka Qaramada Midoobay, Wararku waxay intaas ku darayaan in ergooyinka labada dhinac ay inta badan ku heshiiyeen qodobo ay maalmihii tegay ka doodayeen, hayeeshee ay isku mari la’ yihiin qodob ku saabsan ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya. dhowaan ayaa la sheegay iney ku heshiiyeen in muddo 3-4 bilood gudahood lagu saaro Ciidamada Ethiopia ayna balan qaadeen Safiirada Reer Galbeedka, Ergada Isbaheysiga ayaa waxay ku dheganaa in waqti cayiman oo la isla ogyahay loo qabto ka bixitaanka Ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya, halka Ergada Kooxda Imbagati ay taas bedelkeeda qabtay in aan waqti loo qaban bixitaanka Ciidamada Ethiopia balse la yiraahdo Ciidamadu waxay baxayaan marka ay Ciidamada Qaramada Midoobay yimaadaan, Waxaan lagu wadaa in heshiiskaan saacadaha soo scoda lagu dhawaaqo iyadoo lagu wado in lagu saxiixo magaalada Makka ee Dalka Sacuudiga.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay ka soo horjeedaan in Ciidamo Shisheeye la keeno Soomaaliya Bad iyo Berri
- Xeebaha Magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhawaadeen Maraakiib Dagaal iyo Xaafada Ka agdhaw oo ay dul heehaabayaan Helicoptero.
- Ergadii isbaheysiga dib u xoreynta oo ka baxey iyagoo careysan hoolkii uu ka socdey shirka ka dib markii uu soo fariistey safiirka Ethiopia u fadhiya Jabuuti, lana diidey in laga saaro hoolka.