SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Waxaa haatan qaboobay dagaal culus oo mudo ka badan 6 saacadood oo kaamil ah saaka ku dhexmarayay Muqdisho ciidanka dawladda oo kaashanaya kuwa Itoobiyaanka iyo xoogaga kacdoonka wada,iyadoona dagaalka kadib la helayo meydadka dad aad u fara badan oo rayid ah.
Ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa ku geel dareystay in ay soo jiiraan goobihii dagaalada ay ku kala qeybsadeen ee wadooyinka 30-ka iyo Wadnaha oo saaka ay kasoo weerartamen halkaasi oo xoogaga kacdoonka ay si ba'an isugu hardameen.
Halkaan ka dhageeso
Dagaaladii ugu cuslaa ayaa ka kala dhacay dhincyada aagga Nation iyo Geed Jaceyl waana labada goobood ee kala saaran wadooyinka 30-ka iyo Wadnaha,iyadoona la helayo warar ku aadan khasaare halkaasi lagu gaarsiiyay ciidamadii dawladda iyo kuwa Itoobiyaanka.
Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya meydadka dada aad u fara badan oo laga soo qufayo dhismooyinkii ay ku geeryoodeen iyadoona musiibadii ugu darneyd ay ka dhacday xaafadda Geed Jaceyl halkaasi oo qoys ka koobnaa 12 ay madaafiic si isdaba joog ah ugu habsatay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacna ay kasoo gaartay.
Tirada rasmiga ah ee dhimashada ayaan la sheegi kareyn laakin waxaa ay kor u dhaafeysaa 18 qof oo ka baxsan dhinacyadi hardanku u dhexeeyay,iyadoona taasi ay dheertahay dhaawacyo kala duwan oo la geeyay Cusbitaalada iyo kuwa haatan la daad gureynayo oo ka badan 50 ruux.
Dhibka ugu weyn ayaa ka dhashay madaafiic si indha la'aan ah looga soo tuurayay dhanka Madaxtooyada oo si ba'an loogu garaacay suuqa Bakaaraha halkaasi oo ay sidoo kale ku bur bureen dhismooyin shirkado ay kamid tahay shirkada taleefanada ee Hormuud oo maanta hawada ka baxsan Xafiiska Wararka
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay ka soo horjeedaan in Ciidamo Shisheeye la keeno Soomaaliya Bad iyo Berri
- Xeebaha Magaalada Muqdisho oo ay ku soo dhawaadeen Maraakiib Dagaal iyo Xaafada Ka agdhaw oo ay dul heehaabayaan Helicoptero.
- Ergadii isbaheysiga dib u xoreynta oo ka baxey iyagoo careysan hoolkii uu ka socdey shirka ka dib markii uu soo fariistey safiirka Ethiopia u fadhiya Jabuuti, lana diidey in laga saaro hoolka.