Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)
    Maxkamadaha islaamka ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in galabta ay Weerar xoogan ay ku qaadeen dhismaha Xeylla bariise oo fariisin u ah Ciidamada Ethiopia iyagoo sheegay in ay ka aar gudanayeen duqeyntii Suuqa Bakaaraha ay ka geysteen Ciidamada DFKM iy0 Kuwa Ethiopia.

    Afhayeenka Maxkadaha islaamka ee somaliya Sheekh maxamuud Sheekh Ibraahim suuley oo maanta Shir jaraad oo dhinaca telefoonka ah u qabtay qaar ka mid ah Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Maxkamdaha islaamiga ah ee somaliya ay weerar ku qaadeen Dhismaha Warshadii Xeylla Bariise oo fariisin u ah Ciidamada Ethiopia.

    Afhayeenka maxkamadaha Islaamka waxaa kaloo uu sheegay in ay Weerarkaasi uu yahay mid ay kaga aar gudanayeen duqeyntii Suuqa bakaaraha ay u geysteen Ciidamada ethiopia kuwa DFKM,waxaana uu Sheegay in ay sii wadayaan Weerarada ay kaga aar gudanayaan Ciidamada Ethiopia kuwa DFKM wadayaan si looga hortago ayuu yiri dhibaatada Shacabka lagu haayo .

    Afhayeenka Maxkamadaha islaamga ayaa sidoo kale Sheegay in duqeynta Suuqa bakaaraha ay u geysteen Ciidamada EthoPia iyo kuwa DFKM ay timid ka dib markii laga sifeeyay goobaha ay ku sugnaayeen islamarkaana ay ku ay ku jiraan xaaldo waali ah sida uu hadalka u dhigay taasoo ku kaliftay in ay duqeyn u geystaan goobaha ay ku sgan yihiina dadka rayidka ah.

    Ugu denbeyntii Afhayeenka golaha maxkamadaha islaamka ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa duqeynta Suuqa bakaaraha ay u geysteen Ciidamada DFKM kuwa Ethiopia Xili QM ay sheegayso in ay wada hadalo ka dhax wado dhinacyada DFKM iyo Isbaheysiga dib u Xoreynta Somaaliy,waxaana beesha Caalamka uu ugu baqay in ay joojiso taageerada ay sii neyso Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Somaliya.

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)