Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)
    Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo ilo wareed ku sugan Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in maanta lagu arkay Hotelka ay degan yihiin Wafuuda Soomaalida ee wada hadalada halkaas ku leh Jeneraalka Ethiopianka ee hogaaminaya Ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya.

    Jen Gabre waxaa weeye ninka ugu sareeya Ciidamada Ethiopia ee jooga Soomaaliya lama oga sababta kaliftay in Gabre uu tago Jabuuti xilli Hotelka Kam Biski ku sugan yihiin Madaxda Dowladda oo uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

    Wariyaasha iyo shaqsiyaad kale oo ku sugan Jabuuti ayaa laga xaqiijiyay wararkaas waxay sheegayan in la arkay Gabre oo dhex wareegaya Hotelka marna kulamo la qaadanayo diblomaasiyiinta Caalamka marna kuwa Dowladda.

    Gen Gabre ayaan la ogeyn takitaankiisa Jabuuti, waxaase qorshahan la sheegayaa inuu yahay Mid Ethiopia ku fashilineyso Wada hadalada Nabada.

    Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta ayaa aad uga carooday Imaanshaha Gabre, xilli ay sheegeen in Ciidamada uu hogaamiyo ay xasuuq ka geysanayaan Soomaaliya.

    Waxaa la arkayay Kulamo ay qaadanayaan Gen. Gabre, Safiirka Ethiopia u fadhiya Jabuuti iyo Nuur Cadde, kaasoo aan ilaa iyo hada la ogeyn waxyaabaha loogaga hadlay.
    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)