Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30



Somali BBC

SomaliLinks

  • Did you enjoy this article?

    (total 0 votes)

    Madaxwaynihii hore Soomaaliya  Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo booqasho ku maraya dalalka Soomaaliya la ah saaxiibka
     
    Qaahira  23.06.2008. Madaxwaynihii hore Soomaaliya  Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa booqasho ku jooga  magaalo madaxda dalka Masar ee Qaahira.
     
    Mudane Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ahaa madaxwaynihii hore ee Soomaaliya ayaa booqasho u ku yimid dalka Masar  ayaa ah booqashooyin u dhawaan ku kala bixin doono dalalka Soomaaliya la ah saaxiibka, si uu uga la hadlo arimaha Soomaaliya.
     
    Mudane C/qaasim Salaad ayaa ku sugnaa dalka Soomaaliya qaasatan magaalada Muqdisho kadib shirkii Mbagathi, halkaas oo  uu xilkii madaxwaynanimada Soomaaliya ee lagu soo doortey dalka Jabuuti 2000 si xushmad leh ugu wareejiyey mirihii ka soo baxay shirkii dib u heshisiinta Kenya ee Soomaalida loogu qabtey 2004.
     
    Madaxwaynihii hore Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad ayaa shacabka Soomaaliyeed kula qaybsanaayey dalka gudihiisa  dhibaatada tan iyo markii ay qabsadeen ciidamada Ethopian-ka dalka Soomaaliya qaasatan magaalada madaxda Muqdisho.
     
    Mudane C/qaasim Salaad Xasan ayaa si geesinimo ah uga hadli jirey dhibaatada baaxada weyn  ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho, dhibaatadaas oo isugu jirta dil, dhac, boob, duqayn,barakicin iyo xasuuq loo gaysanaayo shacab Soomaaliyeed ee jooga guryahooda oo aan waxba galabsan, isagoo si aan leex leexad lahayn farta ugu fiiqi jirey ciidamada Ethopia iyo kuwa ay ku adeegato.
     
     
    Safarka madaxwaynihii hore Soomaaliya mudane C/qaasim Salaad ayaa wax badan ka tari doono  sidii beesha caalamka culays loogu saari lahaa in ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya si dhaqso ah uga bixi lahaayeen iyo sidii dadka Soomaaliyeed ee  ku dhibaataysan  dalka loogu gargaari lahaa.
     
     
    Mudane C/qaasim Salaad Xasan ayaa la filayaa inuu dhawaan socdaalo ku kala bixiyo wadamada daneeya arimaha Soomaaliya, isagoona la kulmi doono jaaliyadaha Soomaaliyeed eek u nool wadamada uu booqan doono insha allah.
     
    Waxaana cambaareynaynaa warar ay qoreen qaar ka mid Website-yada  u adeega Tigreega ee qoray hadal  iska raqiis ah kadib markii ay ka war haleen socdaalka madaxwaynihii hore Soomaaliya mudane C/qaasim Salaad  Xasan  ee uu ku maraya dalalka Carabta.
     
    Waxaan madaxwayne C/qaasim Salaad Xasan ugu baaqaynaa inuu beesha caalamka, wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka uu ka gado qadiyada looga xoreynaayo dalka Soomaaliya Xabashida iyo kuwa ay ku adeegato, uuna culays ku saaro beesha caalamka in Soomaaliya loo soo diro ciidamo caalami ah, isla mar ahaantaana la baaro xadgudubyada xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ka jira, si maxkamad loo soo taago dagaal oogayaasha  Soomaaliya iyo taliska Zenawi  ee Soomaaliya haysta.
     
    Mahadsanidiin.

    Yusuf Yusuf

    Somali Forum for Peace and Democaracy

    [email protected]

    • Email to a friend
    • Print version
    • del.icio.us
    • Digg this

    Post your comment Comments (0 posted)