SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Wararka naga soo gaaraya Goobihii Dagaaladu ka dhaceen ee u dhexeeya Garisyaani yo Nuur fanax ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaalkii dhamaaday waqti yar ka hor iyadoo ciidamada Itoobiyaanka gaari Uuraal ah looga gubay askar dhowr ahna looga dilay.
Wararka aya intaasi ku daraya in Ciidamo gurmad ah eey uga yimaadeen Magaalada Beledweyne gaara ahan kuwii ku sugnaa Buurta janta kundisho halkaasi oo eey gaarigii ineey jiitaan isku dayeen waxaana isla markiiba qabsaday dagaal kale oo rogaal celis ah oo la isu aadeegsaday hubka waaweeyn qola waliba eey watay Baabuurta dagaalka oo Gurmad ahaan u yimid goobta la isku hayo.
Ciidamada maxkamadaha oo watay Babuur dagaal oo 8 ah una badnaa Cabdi bile yaal ayaa dagaalkaasi u awood sheegtay Ciidankii Itoobiyaanka oo isugu jiray kuwii ka haray dagaalkii saakay iyo kuwa gurmad ka cusub ugu yimid waxaana halkaasi isaga Cararay Ciidamadii itoobiyaanka oo u cararay dhanka Beledweyne.
Dad goob joog ahaa ayaa noo xaqiijiyey ineey markii ugu horeeysay indhahooda ku arkeen ciidamadad itoobiya oo baabuur dagaal lagu ceeyrsanayo si aad u dheereeysana u cararaya.
ilo wareed ku dhow dhow dagaalkaasi oo ka gaabsaday in magacooda la xuso ayaa noo xaqiijiyey ineey maanta aheeyd Maalintii ugu horeeysay oo la arkay Ciidamada Itoobiya si toos ah uga Cararaya Ciidamadii Maxkamadaha Islaamiga oo iyagoo 8 gaari oo Tikniko ah wata gaaaray duleedka Beledweyne.
ilahaasi ayaa intaasi ku daray ineey Xoogaga wax iska caabintu had a kusugan yihiin Goobtii dagaalku ka dhacay oo eey itoobiyaanku uga tageen meeydkooda waxaana la aqoon ineey Jante kundisho sii joogi doonaan iyo ineey kasii gudbi doonaan Ciidamada la baacsadanaye ee Itoobiyaanka ee halkaasi gaaray.
Dhanka Ciidamada Maxkamadaha ayaa sheegay in hal qof uu dagaalkaasi maanta uga geeriyooday hallka eey kushegeen tirada ka dhimatay itoobiyaanka mid eeysan si rasmi ah u heeyn lakiin dib laga soo sheegi doono.
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Hadalka maanta uu ka jeediyay Cumar Xaanshi Aadan Magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii ugu.......
- Madaxweynaha Dalka Kenya oo Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay ka gaabisay Wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.
- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay ka soo horjeedaan in Ciidamo Shisheeye la keeno Soomaaliya Bad iyo Berri