SomaliLinks
Did you enjoy this article?
Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in uunsan khuseynin heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in sida uu u yiri raggii heshiiskaas saxiixay ay ahaayeen kuwo la goostay wixii ay mas’uulka ka ahaayeen, wuxuuna caddeeyay in aysan heshiiskaas wakiil uga ahayn.
Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde waxaa uu sheegay in isagoo ah Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya aanu Heshiiskaas waxba kala soconin, sidaas darteedna uusan khuseynin, “Walaalow annaga heshiiskaas nama khuseeyo, waana sii socon doonaa dagaalka Ciidmada Itoobiya looga xoreynayo Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Shiikh Yuusuf Indha Cadde in ay ka digtoonaadaan shirqoollada loo dhigayo, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo heer caalami ah oo marba weji loogu soo yeelayo.
“Dadkani waxaa Dad Muslimiin ah haddii ay wax qeybsanayaan waxay wax ku saleysanayaan Kitaabka Alle”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal uu dhawaan sii daayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ahaa in haddii ay dhaceyso in ay wax qeybsadaan Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ay wax ku qeybsanayaan qaab qeybsiga afar beelood iyo bar (4.5).
Ugu dambeyntiina, hadalka Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 9-kii bishan ay Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ay heshiis ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, iyadoo qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen-na ay ugu muhiimsan yihiin in xabadda la joojiyo iyo in ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya uga baxaan muddo 120 maalmood gudahood ah, inkastoo lagu xiray shuruud ah marka ay yimaadaan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan sugidda ammaanka Soomaaliya
- Email to a friend
- Print version
- del.icio.us
- Digg this
Post your comment
Comments (0 posted)
More News
- Hadalka maanta uu ka jeediyay Cumar Xaanshi Aadan Magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii ugu.......
- Madaxweynaha Dalka Kenya oo Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay ka gaabisay Wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.
- Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay ka soo horjeedaan in Ciidamo Shisheeye la keeno Soomaaliya Bad iyo Berri