Wararka ka imaanaya goobihii ay ka bilaawdeen dagaalka ayaa sheegaya in la isku afuray, kadibna dib la iskugu laabtay oo caawa magaalada Muqdisho ay tahay mid hilaaca madaafiicda ka socdaan
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Dowladda iyo Amisom ee ku jira Stadium Muqdisho ay galabta iska cabin xoog leh kala kulmeen alshabaab oo halkaad ka Baxay maalmo ka hor.
Dagaalka ayaa u muuqda mid hada qaboobayo waxaana la soo sheegayaa in Madafiic xoogan ay magaalada ku garaacayaan ciidamada amisom.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaaladu ay geysanayaan khasaarooyin kala duwan oo xoog leh, waxayna khasaarahaay iskugu jiraan dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.
Sidoo kale waxaa halkaas ku dhintay tiro shacab ah oo aan la shaacin iyo kuwa ka tirsan Ciidamada Dowlada KMG iyo kuwa alshabaab.