header
Search the Site   Advanced Search »
Sections
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930


Poll: Vote
boondheere website
Good
Very Good
Excelent
Bad
Very Bad
Poll results | Old polls


Email to a friend | Print version | Comments (3 posted)

Col. C/llaahi Yuusuf "Itoobiya ciidankeeda inuu soo galo Raali baa ka ahaa, aniga daba dhilifi ma ihi......"

By boondheerelibaax on July 24,2024

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo wareysi dhinacyo badan siiyay Laanta Afka Soomaaliya ee VOA-da ayaa ka hadlay siyaasada xilligan ee dalka Soomaaliya, sida Abaaraha ka jira dalka Xukuumada cusub ee Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Maxamed Cali iyo Beesha Caalamka oo uu ku eedeeyay in aysan daacad ka aheyn wax u qabashada shacabka Soomaaliyed.

Col. C/llaahi Yuusuf oo ku sugan Magaalada London ayaa sheegay inuu aqoon u leeyahay Ra'iisul Wasaaraha cusub, isla markaana uusan wax xumaan ah ku aqoon, waxaana uu ku ammaanay inuu soo xulay Gole wasiiro u badan aqoonyahano.

"Adeer aniga waxay noqon doonta ilaah baa og, nin wax walba og maahi, ninka xukuumada cusub madax looga dhigay wan aqaan, xumaan kuma aqaan, golihiisa wasiirada ragg mutacalimiin ayuu u dhiibay, wuxuu ku tala galay inuu wax qabta, isagaa yaqaana, sanad baa la siiyay dowladda wax badanaa laga rabaa xukuumada inay qabato kuwii ka horeeyay aysan qaban, oo ay ka baaqsatay"ayuu yiri Col. C/llaahi Yuusuf.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Soomaaliya ay raadineyso wali qaranimo iyo Dowladnimo, isagoo cadeeyay in lagama maarmaan tahay in la dhameystiro diyaarinta Dastuur uu yeesho dalka, isla markaana la marsiiyo Baarlamaanka.

"Waa in Xukuumada cusub diyaarisaa Dastuur, Baarlamaankana ay marsiisaa, inlee Xukuumadihii ka horeeyay ee aan aniga ku jiray way ka baaqsadeen, waxaa la rabaa in Qaranimo iyo Dowladnimo loo helo inay ka shaqeeyaan Dastuurka, Baarlamaanka ay marsiiyaan, kadib meeshii xasilooni taala dadka iyana afti laga qaado"ayuu yiri Madaxweynihii hore Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka ay ku xayiran yihiin nidaamyadii Xisbiyada iyo dhameystirka Maamul Goboleedyada, waxaa uu sheegay inuu yahay nidaam dimoqraadi ah oo aan keli talis laheyn, isagoo intaa raaciyay inay meesha ka baxayaan hadii Dastuur la diyaariyo shirarkii iyo qabiiladii dadka isku hayeen.
Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka inay la shaqeeyaan Ra'iisul Wasaaraha cusub, inkastoo uu sheegay in Dowladda KMG aanay xor aheyn.

"Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka inay gacan ku siiyaan barnaamijkaas meel marintiisa, Aniga Madaxweynaha isma naqaano, Ra'iisul Wasaaraha C/wali wuu yaqaan wadadii uu u marayay Dastuurka iyo Axdiga, waxaa maqlayay in la yareynayo Baarlamaanka, mala is weydiiyay yaa yareynayo ma Soomaali ama Ajaaniib"ayuu sii raaciyay hadalkiisa Col. Yuusuf.

Sidoo kale Col. C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in wixii uu shaqada uga tagay ay aheyd fara gelinta Beesha Caalamka iyo in aanay Maamul xor ah aheyn, isagoo sheegay in heshiisyada dibada lagu soo gaaro ay yihiin kuwo Madaxda lagu qasbo.

"Aniga daba dhilif ma noqon karo, waa wixii aan uga tagay shaqada, in cid howsheeda loo daayo lama rabo, markaan diida in wax walba la igu fara geliyay waxaa lee arkay nin fidno wadao, waa isaga tagay shaqada, waxaan iri aniga daba dhilif shisheeye ma noqonayo"ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay soo gelitaankii Ciidamadii Itoobiya iyo kaalintii uu ku lahaa ayaa waxaa uu qiray inuu isagu raali ka ahaa soo gelidii Ciidamadii Itoobiyaanka.

"Itoobiya ciidankeeda inuu soo galo raali baa ka ahaa, raggii u yeeray baa ka mid ahaa, nin wixii sameeyay inuu dafiro nin ma ahan, waxay aheyd in markii nabada ka shaqeyso oo la xasiliyo oo la arko Soomaali oo nabad ah inay iska baxdo la rabay, hadii ay noqoto waa idin talinaa, sow inaad diidno ma ahan, xaq uma lahan, anigana daba dhilif ma noqon karee"ayuu sii raaciyay Col. C/llaahi Yuusuf.

Sidoo kale Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in Caalamka aanay rabi inay wax ka qabtaan Soomaaliya, isagoo sheegay in Xamar kaliya ay ku filnaan weyday, isagoo ku dhaliilay inay Ciidan xataa u dhisi weyday si xaalada wax ugu qabtaan.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa ka hadlay abaaraha, isagoo ku baaqay in shacabka Soomaaliyed isu gar gaaraan, waxaana uu tilmaamay in Beesha Caalamka gar gaar la gaaraan, si loo baajiyo dadka gaajada u le'adanaya


732 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 20 votes)
Comments (3 posted)
  • Asc, maasha Allah ninka muwaadinka wadaniga ah saasoo kale ayuu u hadlaa, waa dhaqan soo jireen ah inuusan ninka weyn hadalkiisa dafarin balse yaan la aflagadeyn madaxweyne Abdullahi munaafaq iyo mujrim waa ka fogyahay dadkiisana waxay ahayeen SYL, isaga laftiisa Bilad Geesi buu leeyahay. Caadifad yey idin qaadin ka fiirsada HadalDiina.
    (Posted by Jilbis, August 5, 2011, 7:43 PM)
  • waa mujrim, mujrimiin la talisay, waana daba dhilif, nina caadadii ma daayo waxa uu caadadaa ka keenay nimankii ku heebta ahaa ee talyaani dhabarka ku soo qaaday ee bari bender Qasim ka soo dejiyey 1936, waxaa uu ka tegay taariikh madoow oo qurun ah, wixii uu sameeyey RABBI ayaa la xisaabtami doona insha-ALLAH
    (Posted by Run sheeg, July 31, 2011, 5:53 PM)
  • ALLA muxuu mujrimkaan oo soomaali baabi;itaankeeda horseed ka ahaa maanta raba inuu soomaali wax ka yiraahdo ee waxba ha is daalin hadalkaaga cid rumeysaneysa ma jiro waayo waxaad aheyd qofkii ugu horeeyey ee gumeysi gaala madow waddanka keena maantana aad leedahay aniga daba dhilif ma noqonaayo oo goortaad itoobiyo dalka soo gelineysey saw dabadhilif uma aheyn oo yaa kuugu qasbay inaad u yeerato xabashi cadow ku umadda inaad gudaha muqdisho soo gelisid marka waxaaan ku leeyahay MAA BUNIYA CALLAA BAATIL FAHUWA BAATIL oo micnaheedu yahay wixii baatil lagu dhiso waa baatil ee mujrimyahaw beenta iska daa waa lagu garanayaa waxaad tahay WABILLAAHI TAWFIIQ
    (Posted by ali.s, July 28, 2011, 2:40 PM)
kids_learning_891332612

read_quraan2_478307109

prayer__time_531036670

bar_aljabra_165065489

baro_english_153740289

Most Commented
Most E-mailed
Featured Author