Weerarkii Ugu cuslaa oo dhaq dhaqaaqa Al-shabaab xalay ay ku qaadeen dhowr fariisimood
Xoogaga dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa xalay dagaalki ugu cuslaa waxaa ay ku qaadeen dhowr fariisimood oo kala duwan oo magaalada Baydhabo ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dawladda Federaalka Somaliya,iyadoona taasi ay shaki weyn galisay amaanka magaaladaasi.
Xoogaga Al Shabaab ayaa la sheegay in ay kasoo galeen magaalada Baydhabo dhinacyo kala duwan oo ay weerar kasoo qaadeen iyadoona la sheegayo wax dagaallo sidaasi u xoogan in aysan kala kulmin ciidamada dawladda ee fariisimo badan oo ay ku sugnaayeen isaga soo hayaamay.
Wararku waxa ay sheegayaan in ay xoogaga Al Shabaab usuuragashay gudaha magaalada in ay soo galaan kadibna ay ku dhaqaaqeen weerar madaafiic ah oo ay la dhaceen xarumo kala duwan oo ay ku jiraan Madaxtooyada,Garoonka diyaaradaha iyo Warshadda Xasey ee ciidamada Itoobiyaanka.
Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa la sheegay xalay in indhahooda aysan isku geyn kadib marki ay ku tooseen madaafiicda nuucyadeeda kala duwan oo magaalada la isku weedaarsanayo iyadoona ay aheyd markii ugu horeysay ee weerar caynkaasi oo kale uu ka dhaco magaalada.
Khasaaraha weerarkaasi ka dhashay ayaa aad u kooban waxaana ay dhamaan ciidamda dawladda iyo kuwa Itoobiya aysan kasoo bixin xarumahooda taasi oo yareysay khasaarahooda isla markaana aan la ogeen sababtii ay difaacyada xarumahooda u adkeeyeen xilli xoogaga Al Shabaab ay gudaha usoo galeen magaalada Baydhabo oo ah fariisinka Baarlamanka.
Comments (1 posted):
Post your comment