Mid ka mid ah saraakiisha ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday hab dagaalkooda cusub ee ay ku wajihi doonaan DKMG iyo Amisom inuu noqon doono qaab jabhadeyn ah oo u eg qaabka ay u dagaalamaan kooxaha Daalibaan ee wadanka Afghanistan.
Hadalkaasi waxaa shaaca ka qaaday horjooge lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Muumin oo shalay dadweyne kula hadlay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose xilli ay ka sii baxayeen magaalada Muqdisho.
“Wajiga cusub ee dagaalka waa mid xannuunjin doona cadowga, wuxuuna la mid noqon doonaa sida ay u dagaalamaan mujaahidiinta Daalibaan” ayuu yiri C/qaadir Muumin oo masjid kula hadlay dadweyne.
Wuxuu intaa ku daray in qaab dagaaleedkan cusub uu yahay mid dhibaato u geysan kara ciidamada DKMG iyo Amisom ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dad badan ay ku farxeen cararka Shabaab isagoo kuwaasina ku tilmaamay munaafiqiin.
Hadalka sarkaalka ayaa noqonaya warkii ugu horeeyey ee ka soo yeera kooxda Al-Shabaab mudo 24 saac ka dib markii afhayeenka kooxda Sheekh Cali Dheere uu ku dhawaaqay inay Muqdisho isaga bexeen sababo uu ku sheegay qorshe dagaalka dartiis.
Dhanka kale, Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ee isaga baxay Muqdisho ayaa lagu arkay deegaano ka mid ah gobolka Baay isagoo masaajid ku yaalla magaalada Baydhabo dad kula hadlay. Waxaana Bydjabo sidoo kale ku sugan Sheekh Mukhtaar Roobow oo ciidankiisa ay hadda heystaan magaaladasi isla markaana Xasn Daahir ay saxiibo dhow yihiin.
Xasan Daahir oo ka soo laabtay deegaano ka mid ah Baay iyo Bakool oo ay abaaro baahsan ayaa ku soo laabashadiisa Baydhabo waxay ku soo beegantay xilli maalintii shalay ay kooxda Al-Shabaab faarujiyeen magaalada Muqdisho.
Warar WarbaahintaXogsheeg ka heley ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiil ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole ay gaareen degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Halka dhanka Jubbooyinka ay u gudbeen saraakiil fara badan oo kooxda ka tirsan
(Posted by axmadey, August 7, 2011, 9:05 AM)