header
Search the Site   Advanced Search »
Sections
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930


Poll: Vote
boondheere website
Good
Very Good
Excelent
Bad
Very Bad
Poll results | Old polls


Email to a friend | Print version | Comments (1 posted)

WAR DEG DEG AH: Al-Shabaab oo xalay habeenimo ka baxay Magaalada Muqdisho

By boondheerelibaax on August 06,2024

Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenimo ka guureeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo hal askari oo Shabaab ah aanu xilligan ku sugneyn Magaalada, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sida ay Shabakada  ku heshay xooraansi ay sameysay ayaa sheegaya in xalay abaarihii 2:30 ay ka baxeen Shabaab dhamaan deegaanadii iyo aagagii ay difaaca kaga jireen, waxaana ilaa iyo hada jirin war rasmi ah oo ku aadan sababaha ay uga baxeen.

Warka ku saabsan ka bixitaanka Shabaab ee magaalada Muqdisho ayaa soo xoogeystay markii la gaaray salaadii subaxa, kadib markii dadka ay taleefano isugu sheegeen in Shabaab ka baxeen deegaanadii ay ku sugnaayeen.

Qaar ka mid ah dadkii degenaa deegaanada Shabaabka ku sugnaayeen, sida Suuqa Xoolaha iyo Dayniile ayaa inoo xaqiijiyay in saldhigyadii Shabaab ay joogeen ay gebi ahaanba yihiin faaruq.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku sugan Suuqa Xoolaha ayaa u sheegay Wariyaha Jowhar.com in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen gawaari guuxeysa oo raxan raxan ugu baxeysa dhinaca wadada aada Balcad.

Sidoo kale dad degan Saldhiga Booliska Dayniile agagaarkiisa ayaa sheegay in Ciidamadii Shabaab ee ku sugnaa saldhiga ay isaga baxeen, isla markaan wixii alaab ah ay kaga rarteen baabuur, ayna u baxeen dhanka wadada aada Ceelasha iyo Afgooye.

Warar xaga sirdoonka ayaa sheegaya in Dowladda KMG iyo AMISOM qorsheynayeen in 72-ka saac ee soo socda dagaalo saf ballaaran ku qaadaan goobaha Al-Shabaab ay kaga soo uruureen Magaalada Muqdisho.

Goobaha Shabaabka faarujiyeen ee deegaanada waqooyiga iyo deegaanada kale ayaan wali Ciidamada Dowladda KMG ah aysan wali gaarin, hase ahaatee arrinta lama filaanka ayaa ah mid shakiyo kala duwan gelineysa Ciidamada, maadaama goobahaas dhufeysyo ballaaran uga qodan yihiin Al-Shabaab.

Lama oga sababaha dhabta ah ay uga baxeen, hase ahaatee ka bixitaankooda ayaa ku soo aaday saacado yar kadib markii weeraro qorsheysan ay xalay dhowr jiho kaga qaadeen aagaga Ciidamada Dowladda ku sugnaayeen, inkastoo weerarkaas ahaa mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa oo aag kasta ku ekeeyeen.

Ilaa iyo hada ma jirto war si rasmi ah uga soo baxay Dowladda KMG oo ku aadan ka bixitaanka Shabaab ee Muqdisho, waxaase aad hadal heynto tahay in dadka wali ay Taleefanada isugu sheegayeen xaaladaha soo kordhay, walina Idaacaduhu aanay soo gelin warkooda, si ay xogaha uga helaan.

La soco wixii ku soo kordha daqiiqad kasta


185 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 6 votes)
Comments (1 posted)
  • ah ha ha, qosol ayaa iga keenteen, haye ma cararteen, intee u cararteen, farabuto, mesha u carartiin wa la idin jooga, ee ka baxa waddanka, ku noqoda bulacoyinka ka so baxdeen.
    (Posted by axmadey, August 7, 2011, 9:12 AM)
kids_learning_891332612

read_quraan2_478307109

prayer__time_531036670

bar_aljabra_165065489

baro_english_153740289

Most Commented
Most E-mailed
Featured Author