Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Toban nin oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin xoogaga Al-Shabaab, kuwaasoo Shan ka mid ahi yihiin Soomaaliya, Shanta kalena Kenyaan.
Sida warku sheegayo Shanta nin ee Kenyaanka ah ayaa waxaa la sheegay in ay gacan siinayeen Shanta nin ee Soomaalida ah ee ka tirsan xarakada Al-shabaab kuwaasoo la sheegay in uu ka mid yahay wiil dayar.
Ragga Kenyaanka ah ayaa la sheegay in ragga kale ee Soomaalida ah ay u fududeynayeen iibsiga rasaas ay ku fuliyaan falal amni darro ah waxaana la sheegay in mid ka mid ah ragga Kenyaanka ee la qabtay laga helay rasaas fara badan.
Taliyaha ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono raggaas, oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab, si sharci darro ahna ay dalka Kenya ku soo galeen.
(Posted by axmadey, July 31, 2011, 11:41 AM)