Hadal aan raad laheeyn!! ku xigeenkii gudoomiyaha Golaha Shuurada ee maxkamadihii Islaamiga, Abdullahi A. Afrax (Asparo) oo lagu dilay...
C/laahi Cali Afrax oo ahaa ku xigeenkii gudoomiyaha Golaha Shuurada ee maxkamadihii Islaamiga, waxaana uu ku dhintay dagaal salaasadii dhexmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxaha maxkamadaha Islaamiga kaasoo ka dhacay deegaanka Matabaan ee gobolka Hiiraan.
C/laahi Cali Afrax waxa uu deganaa magaalada Toronto ee dalka Canada waxa uuna ka soo tegay ku dhowaad 10 sano ka hor isagoo ku biiray dhaqdhaqaaqyadii Islaamiga ee ugubka ka ahaa dalka Soomaaliya.
Waxa uu ahaa nin kaalin firfircoon kaga jiray marka laga hadlay dhinaca dhaqaalaha sida uu qoray wargeys ka soo baxa dalka Canada.
C/laahi Cali Afrax waxa uu dalka Canada tegay 1991-kii ka dib markii ay burburtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre.
Waxa uu ka qeybqaatay dagaaladii lala galay ciidamada dowladda kmg ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka isagoo la safanaa xoogagga maxkamadaha Islaamiga.
Wixii ka dambeeyay markii magaalada Muqdisho laga wareegay xooagga maxkamadihii Islaamiga waxa uu Prof. Afrax ku sugnaa gobolka Galguduud.
Prof. C/laahi Maxamed Afrax intuusan dalka Canada ka soo tegin waxa uu ka shaqeynayay shirkad xawaaladeed oo lacagaha kala gudbisa
Comments (1 posted):
Post your comment