Sections

Archive

Mo Tu We Th Fr Sa Su
12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31



Ciidamadii Itoobiyaanka ee mudooyinkani ku sugnaa wadada 30-ka ayaa xalay saqdii dhexe gabi ahaanba halkaasi isaga baxay iyadoona saaka wadadaasi ay ku xoomeen dad aad u fara badan oo ku faraxsan ka bixitaanka Itoobiyaanka.

Wadada 30-ka  ayay dagaalo xoogan ku galeen Ciidamada Itoobiyaanka iyadoona dagaaladaasi haatan la ogaaday dhanka Itoobiya xitaa khasaare in uu kaso gaaray markii lagu arkay goobihii ay dhufeysyada kaga jireen ee dhismooyinka oo dhiig badan uu ka buuxo.

Sidoo kale waxaa laga helay goobihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya meydadka ilaa 4 ruux oo midkood ahaa oday duq ah isla markaana aan laga garan dhamaan waxaana meydka ninka odayga ah ka muuqday in la gowracay.

Waxa ay ahaayeen meydadku kuwo si aad ah ay jirkoodii u cuneen eeyo isla markaana aad u fool xun mana suuragaleyn in shacabkii halkaasi ku baxay ay bar aqoonsadaan sababo la xiriira maalmaha badan oo halkaasi ay yaalleen.

Waxaa sidoo kale ka muuqanayay dhismooyinka wadada 30-ka bur burkii ugu xooganaa iyadoona laga dareemayay goobtaasi in ay ka dhaceen dagaalo aad u qaraar oo soo laab laabtay,mana la oga haatan ulajeedka ka danbeeyay ka bixitaanka Itoobiyaanka ee jidkaasi.

Post your comment Comments (0 posted)

Powered ByBoondheere.com