Waxaa soo baxaya Xoge Hoose oo sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka tanaasulayo Xilka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo hada lagu muransan yahay laguna qancinayo Shariif Xasan in loo Magacaabo Wasiir iyo Raizul Wasaare ku xigeen .
Maalmo kahore Muqdisho waxaa soo gaaray Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Agoustine Mahiga kaa oo Shariif Xasan la qaatay kulan gaar ah kuna qanciyay in uu isaga tago Gudoonka Baarlamaanka kol hadii Xildhibaano tiro badan xilkii ka qaadeen kuna adkeesteen Xil kaqaadistaasi isku dayo badan oo lasameeyay kadib.
Shariif Xasan ayaana loo balan qaaday hadii uu Xilka ka tanaasulo in loo magacaabayo labo Wasiir Midkood Wasiirka Arimaha Dibada ama Wasiirka Maaliyada uu aad u daneenayo Shariif Xasan horeyna uu usoo qabtay jagadaasi.
Shariif Xasan ayaa ku guul dareestay isku dayo badan uu kudoonayay in uu ku kala jabiyo Xildhibaanadii Xilka ka qaaday uuna u adeegsado lacago iyo Siyaasado badan balse arintaasi uu ku hungoobay Telfoonadana ee ka dansadeen Xildhibaanadii Xilka ka qaaday
Gudoomiyaha Xilkiisa lagu muransan yahay ayaa sidoo kale isku dayay in Ninka ee isku qolada kasoo jeedaan si weyna isku hayaan ee Madoobe Nuunow Maxamad oo dhawaan loo doortay Xilkiisii Gudoomiyaha Baarlamanaka uu daaqada kasaaro uuna ku qanciyo in uu tanaasulo kursiga uu ku heesto hadii uu sidaa sameeyana Wasiir ka dhigayo uuna qeyb kasiin doono Xildhibaanada lasoo xulayo hadii Baarlamaankan hada jira lakala diro.
Waxaa hada Xarunta Madaxtooyada kasoconaya wadatashiyo gaar ah ee yeelanayan Sadaxda Masuul ee ugu sareysa Dowlada KMG ee Soomaaliya kuwaa ao ka arinsanaya iscasilaada Shariif Xasan iyo xilka ugu haboon ee Wasiirnimo uu Shariifku uga tanaasuli karo Gudoomiyanimada Baarlamaanka uuna ku qanci karo.
Waxaana la qorsheenayaa in Madoobe Nuunow Maxamad uu noqdo Shir gudoonka Baarlamaanka inta ka harsan Xiliga jiritaanka Baarlamaanka Soomaaliya oo la doonayo in dhawaan lakala diro lana soo dhiso baarlamaan Cusub.
Waxaana hada soo baxaya in Qorshaha ka danbeeya Isku shaandheynta Golaha Wsaiirada iyo xil kaqaadis qaar kamid ah lagu sameenayo Wasiirada Xukuumada Gaas ee salka ku heeyso qancinta Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu lug weyn kula jira Siyaasada dalka iyo Hogaanka Dowlada.
(Posted by mahamed, January 24, 2012, 5:04 PM)