header
Search the Site   Advanced Search »
Sections
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031


Poll: Vote
boondheere website
Good
Very Good
Excelent
Bad
Very Bad
Poll results | Old polls


Email to a friend | Print version | Comments (2 posted)

Kooxda al Shabaab oo Wacad ku Maray in ay u Aari Doonaan Bilaal Al Barjaawi.

By boondheerelibaax on January 22,2025

Af hayeenka Guud ee Xarakada Shabaab oo Shalay gelinkii danbe la hadlay Saxaafadda ayaa ka waramay Dilkii Xubin Ajnabi ah oo ka Tirsan al Shabaab isla shalay lagu dilay Duleedka Magaalada Muqdisho.Shiikh Cali maxamuud  Raage Shiikh Cali Dheere ayaa ka war bixiyay Ninka Shalay la dilay isagoona sheegey in dilkiisa loo adeegsaday Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee laga leeyahay Dalka Maraykanka.

Cali Dheere ayaa xusay in Ninkan la dilay xiliga ay weerarayeen Diyaaraduhu inuu ku sugnaa meel magaalada Muqdisho u jirta illaa Sedax iyo Toban Kiilo Mitir gaar ahaana Isbitalka Xayaat.Dilka Ninkan oo uu sheegey in uu asla ahaan ka soo jeedo Dalka Lubnaan ha yeeshee ku dhashay haystayna Dhalashada Ingiriiska ayuu guud ahaan uga tacsiyeeyay Urur weynaha Al qaacidda isagoona sheegey inuu ahaa Nin halyeey ah oo qayb ka soo qaatay dagaaladii Soomaaliya ka dhacay.

Af hayeenka ayaa sheegey in Ninkan Soomaaliya uu yimid Xiligii Maxkamadaha oo ku beegneed sanadkii 2006dii isagoona sheegey in xiligaas uu ka bar bar dagaalamayay Maxaakiimtii wixii xiligaas ka danbeeyena uu ku sugnaa Sooaamliya isla markaana uu la safnaa al Shabaab.Ninkan ajnabiga ahaa ee shalay lagu dilay Weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayuu sheegey in Da’diisu u dhaxaysey  20-30 isla markaana uu ahaa Nin Cadowga Dhuunta u galay isagoona u soo daliishaday Diyaaradaha iyo Hubka lagu Riday baaxadiisa.

Horjoge Cali Dheere ayaa sheegey in Mujaahidkaas iyo kuwii ka horeeyay oo ay ka mid ahaayeen Aadan ceeroow iyo Saalah nabhaan ay u aari doonaan goor ay noqotaba isla markaana Jihaadku uu halkisa ka sii socon doono.Horjogaha ayaa ka codsaday maleshiyada al Shabaab in ay sii wadaan Dagaalada Jihaadka ah oo ay kula jiraan Ciidamada uu ugu yeeray Saliibiyiinta isagoona mar kale ku celiyay dalankiisii ahaa in la sii laba jibbaaro Dagaalada ay wadaan al Shabaab.

Ma aha markii u horeeyay ee Duqeyn lagu dilo Rag ka tirsan Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya dilkan Al Barwaajise ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay mas’uuliyiin u hadashay Dawladda Federaalka Soomaaliya oo dilkiisa kaddib war baahinta ka sheegay in ay ku farxsan yihiin soona dhaweynayaan Dilka sidan oo kale loogu gaysanayo Ajaaniib ay sheegeen in fadqalalooyin ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Isku soo duubo Shalay gelinkii danbe ayaa Diyaaradaha aan cidi wadin wax ay seddax Gantaal ku rideen Duleedka Muqdisho iyadoo xarakada Shabaabna ay xaqiijisey in gantaaladaasi lagu dilay mid ka mid ahaa Ajaaniibta Soomaaliya gudaheeda ka dagaalanta .


1196 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 34 votes)
Comments (2 posted)
  • [url=http://www.christianlouboutindiscountsell.com/]Christian Louboutin[/url] http://www.christianlouboutindiscountsell.com/ The reason is the simple fact which they will make you uncomfortable Christian Louboutin Discount SALE and queasy in spite of the fact that dancing. Sometimes, a pair that has little heels is really a superb choice when Luxury Bands Discoutn Online you are not applied to placing on large heels.
    (Posted by Christian Louboutin, May 5, 2012, 6:04 AM)
  • asc dhamaan umada somaliyeed ninkaan la dilay horta waa wax wanaagsan waa farxad usoo hoyatay somalida maxaa yelay umada somaliyed oow madaxa ka gooyn jiray lakin aniga waxaan la yabanahay ninkaan dhahaa waloo araa nacas ku dhalay was nin ajanabi ah oow leyahay waloo araa adaa dhawaan lagu dilaa insha allah
    (Posted by maxamed , March 19, 2012, 6:31 PM)
kids_learning_891332612

read_quraan2_478307109

prayer__time_531036670

bar_aljabra_165065489

baro_english_153740289

Most Commented
Most E-mailed
Featured Author