Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu haatan halkaasi ka qarxay dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Kenya, Dowladda KMG, ahlusunna Waljamaaca oo isku dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab.
Sida warku sheegayo dagaalka ayaa bilowday kadib weerar culus oo ay deegaanka Busaar ku askeeyeen Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab oo ku hubaysan hubka qeybahiisa kala duwan.
Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalada socda, hase yeeshee dadka deegaanka Busaar iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow ayaa bilaabay in ay ka firxadaan dagaalada si aysan saamayn ugu yeelan.
Sidoo kale ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya xaaladuna waa mid aad u kacsan oo jawi dagaal ah.
Wixii faahfaahin intaasi dheer kala soco wararkeena danbe Insha Allaah.