header
Search the Site   Advanced Search »
Sections
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930


Poll: Vote
boondheere website
Good
Very Good
Excelent
Bad
Very Bad
Poll results | Old polls


Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

AL-SHABAAB “Soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya waxay noo sii kordhinayaan Ajarkii waanu soo dhawaynaynaa..

By boondheerelibaax on November 21,2024

Xarakada Alshabaab ayaa shaacisay in ay soo dhawaynayaan soo gelitaanka gudaha Soomaaliya Ciidamada Itoobiya, iyagoo dhinaca kalena sheegay Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya dhankooda ku fashilmeen dagaalada ayna kala garan la’yihiin in ay dagaalada dib uga baxaan.

Sheekh C/casiis abuu Muscab oo ah Afhayeenka dhanka Howlgalada Xarakada Alshabaab ayaa sheegay ugu horayntii in ay soo dhawaynayaan soo gelitaanka ciidamada Itoobiya, waxa uuna ku macneeyey mid ay ajar badan ku helayaan la dagaalanka ciidamadaasi.

“Soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya waxay noo sii kordhinayaan Ajarkii waanu soo dhawaynaynaa ayuu yiri Sheekh C/casiis Abu Muscab oo dhinac kalena ugu baaqay Mujaahdiinta Alshabaab in ay u diyaar garoobaan la dagaalanka ciidamada Itoobiya si ajarka loo xoojiyo.

Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ku soo beegmaya xili Cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya soo galeen deegaano ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.


69 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 0 votes)
Comments (0 posted)
kids_learning_891332612

read_quraan2_478307109

prayer__time_531036670

bar_aljabra_165065489

baro_english_153740289

Most Commented
Most E-mailed
Featured Author