Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere ayaa digniin culus u diray Dowladda Itoobiya, kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen qeybo ka mid ah gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo meelo kale.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen dagaalo ay la galaan Ciidamada Itoobiya ee soo galay Soomaaliya, isagoo xusay in cashirkii ay horay ugu dhigeen Ciidamadasi in ay u dhigi doonaan haddii ay ku dhiiradaan in ay mar kale ku soo biiraan dagaalada ka holcaya soomaaliya.
Afhayeenka Xarakada Alshabaab waxa uu ugu baaqay madaxda dalka Itoobiya in ay ka digtoonaadaan in ay Ciidamadoodu u soo diraan Soomaaliya kuna soo biirayaan dagaalada.
Dhanka kale Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool gobolada ay soo galeen Ciidamada Itoobiya in ay u diyaar garoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen Ciidamada Itoobiya.
Dowladda Itoobiya oo horay ciidamo u soo galisay Soomaaliya waxay dhar baaxo xoog leh kala kulmeen Xoogagii Muqaawamada, lamana oga soo gelitaankooda cusub waxa ay ku soo kordhin karaan dagaalada ka socda qeybo ka mid ah gobolada Soomaaliya.