Linkz
  • Home | Maqaalo | Sixiroole Somaliyeed oo jiniyo u kaashada dhoofinta dadka tahriibaya

    Sixiroole Somaliyeed oo jiniyo u kaashada dhoofinta dadka tahriibaya

    Font size: Enlarge font

    Nin dhalinyaro ah oo degan magaalada Hargeysa ayaa ku andacoonaya inuu dibada u dhoofiyay dhalinyaro Soomaaliyeed,isagoo kaashanaya Jinniyo wata Diyaarado, 1-saac kuu duulinaya wadamada Reer Yurub iyo qaarada Ameerika.

    Xiriir qadka isgaarsiinta oo ay Shabakada Calanka.Com la sameysay dad degan magaalada Hargeysa ayaa noo xaqiiyay in Wiilkan Sixroolaha ah lagu magacaabo (Dacaw)uu ku taqasusay habka indha-sarcaadka loogu sameeyo quluubta iyo indhaha dadka iimaankoodu daciifka yahay.

    Ninkan ayaa cidii dhoof-rabta shuruud ooga dhigta marka hore inay bixiyaan 100 Dollar,lacagtaan ayuu kula hadlaa Jinniga (Rooxaanta)oo ay wada shaqeystaan,kadibna marka uu Jinku ogolaado wada-hadalka,ayuu dadka shuruud ooga dhigayaa inay raacayaan Dayuurad uu Sixroolahan u bixiyay(Jinni-Airways)waxaana laga doonayaa qofkii raacaya inuu Sixroolahan Reer Hargeysa gacanta ka saaro 900-Dollar oo lagu goosanayo tigidhka lagu raacayo Dayuurada Jinka (Rooxaanta).

    Shuruudaha laga doonayo dadka doonaya inay Dayuuradan raacaan ayaa waxaa ka mid ah,inaysan Sheydaanka ka acuudi-bileysan oo aysan oran (Acuudi-Bilaahi-Minna-Sheydaani-Rajiim),qofkii dhahana waa ka gubanaysaa lacagta uu bixiyay,maadaama uu qofka iska naaray Jinka,sida uu ku andoocanayo Sixroolahan ku shaqeysta indha sarcaadka.

    Ninkan ayaa ku andoocanaya inuu wadamada Reer Yurub iyo Qaarada Ameerika u dhoofiyay Soomaali fara-badan,kuwaasoo qaarkood ka kala-yimid,magaalooyinka Muqdisho,Boosaaso,Jowhar,Boorame iyo magaalooyin fara-badan.

    Qaar ka mid ah Culimada Somali-land ayaa durba qeylo-dhaan ka soo yeertay,waxayna sheegeen inaysan suurto-gal aheyn inay Diyaaradaha Jinka awood u leeyihiin,inay Beni-aadan dhoofiyaan,hadii ay dhacdana inuu dadka duuliyo,kadib markii ay u sujuudaan Jinniga,taasina qofka uu ka furanayo xariga ILAAHAY,halkaasna uu ku gaaloobayo.

    Qisadan la-yaabka leh ayaa waxaa baaritaankeeda nagu qaadatay laba bil,,iyadoo naloo xaqiijiyay,jiritaanka ninkan Sixroolaha ah,waxaana waajib ku ah Culimada Reer Hargeysa inay dadka ka wacdiyaan khiyaamada iyo indho-sarcaadka ninkan ku qaraabanaya inuu ku shaqeysto Jinka nooca loo yaqaan (Rooxaanta).

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (4 posted):

    abdullah on 01 July, 2008 03:00:56
    no,more
    c/salaan on 04 July, 2008 03:58:02
    salaan ka dib, horta sheeekadan waa sheeko aad iyo aad u cajiiba, koleey aniga reer hargeeyso ma ahi laakin wxaan maqlay sheekoyin kale oo sidan oo kale cajiib u ah kuna saabsan jinka iyo wixii la hal maal sida sheekadii aheey ninkii naangta jinka ah guursaday. Haddan waxaad noo soo bandhigteen sheeko kale oo ah in diyaarad eey sameeysteen jinka lagu dhoofo. Waxaase su*aal ah > ma jiraa qof arkay diyaaradaas amaba ka faaleeyn kara? mase jiraa qof lala xiriiray oo diyaaradaasi ku dhoofay meeshuu doonaba ha joogee? koleey sida aad dareemi kartaan waa adagtahay sida lagu aamino sheekooyinka noocan oo kale ah waxaana loo baahanyahay sheekada in lagu daro list kaasoo noqon kara listiyada eey sheekooyinka ku kala soocanyihiin oo kala ah: WAA SHEEKO RUN AH, WAA SHEEKO MALA AWAAL AH, IYO WAA SHEEKO RUMEEYSO AMA HA RUMEEYSAN AH. si loo kala ogaado ugu horeeyntaba sheekada meesha eey dhaceeyso.
    MAHADSANIDIIN
    abdullahi on 15 July, 2008 03:42:48
    asc waxay ila tahay mala awaal waayo wuxuuba noqonlahaa maalin taajir hadduuba isku haysto diyaaradii iyo adduunyada meel kastoo aad doonto in lagu geeyo iyo soomaalidoo wada doollar ah waa laf dhuux leh iyo dhagax laysku helay........
    Gnanka on 22 July, 2008 04:55:49
    Adiga wakiil maka noqon kartaa ninka jinka adeegsada ee aad shegeyso si aan lacagta kuugu xawilno lacagta aan ku qarqaj garayno ehelada jooga Soomaaliya ayaa noo baaqan lahayd. Bal adiga wakiilnimo ka dalbo oo dulaal u noqo Dacow.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
  • Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0